Waa maxay sababta ereyada sayniska ay xiriir ula leeyihiin Gariiga

Waa maxay sababta ereyada sayniska ay xiriir ula leeyihiin Gariiga

Su’aasha:

Asc wllyaal. Waa maxay sababta ereyada sayniska ay xiriir ula leeyihiin Gariiga iyo Laatiin?  Mahadsanid

Waa maxay sababta ereyada sayniska ay xiriir ula leeyihiin Gariiga
Waa maxay sababta ereyada sayniska ay xiriir ula leeyihiin Gariiga

Jawaabta:

Gariiga waxaa lagu tiriyaa ummadaha dunida ugu horreeyay dhanka cilmibaarista, xataa carabta waxay cuskadeen buugaagta ay qoreen culimada Gariiga, sidoo kale reer galbeedka aad ayay u cuskadeen marka lasoo gaaray qarniyada dambe oo aqoonta aadanaha ay kobcaysay gaar ahaan sayniska.

Taas ayaa keentay in afafka reer galbeedka sida Ingiriiska iyo Faransiiska iyo Taliyaaniga iyo Jarmalka iyo Isbaanishka, ay cuskadaan ereyada laga soo qaatay afafkii hore sida gariiga iyo afka laatiinka, sidaa awgeed waxaad arkaysaa afka ingiriiska iyo afafka aan soo sheegay inay ka buuxaan ereyo u noqonaya afka Gariigga iyo Laatiinka.

Dhakhaatiirta Gariiga waxaad ku arkaysaa buugaagta ay qoreen culimada muslimiinta, taas waxay ku tusinaysaa in ay saameys weyn ku leeyihiin ereybixinta ku saabsan culuumta casriga.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in culuumtaas lagasoo qaatay Masar waagii hore, Gariigga laftigooda inay ka faa’ideyteen xadaaradda reer Masar.

(تُعرّف الحضارة الإغريقية (بالإنجليزيّة: Greek Civilization)  امتدّت من عام 1200 ق.م إلى 223 ق.م وانتهت بوفاة الإسكندر الأكبر، وتميّزت فترة الحضارة اليونانيّة بالكثير من الإنجازات في مختلف المجالات العلميّة، والفنيّة، والسياسيّة، والفلسفيّة، ممّا ترك إرثاً مميزاً للحضارة الغربيّة)

(Waxaa loo yaqaanaa xadaaradda Gariiga (afka ingiriiska Greek Civilization) waxay soo jirtay lagasoo bilaabo 1200 M.K. ilaa 223 M.K. waxay ku dhammaatay geeridii Iskandarka ugu weynaa, waxay wadatay xadaaradda Gariiga fatradeeda wax badan hormar dhinacyo kala duwan aqoonta fanka siyaasada iyo falsafada, taasoo saameys gaar ah ku yeelatay xadaaradda reer galbeedka)

Codadka Xayawaanada – Soomaali iyo Carabi

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More