Calaamadaha khaatumada fiican

Khaatumada waxaa laga wadaa  qofka noloshiisa qaabka ay u dhamaanayso ama gabagabbada nolosha.

Qof kaste ma heli karo khaatumo suuban waxaa kaliya helaya qofkii Ilaahay siiyo.

Laakin waxaa jira astaamo oo qofka ku helo karo khaatumo wanaagsan. Waxaa ka mid ah arrimaha khaatumada wanaagsan sabab u noqon kara ikhlaaska iyo camalka suuban inuu qofka daa’imo

Calaamadaha khaatumada fiican
Calaamadaha khaatumada fiican

Hadduu aadanaha ku xiran yahay camalkiisa xagga adduunka towfiiqda camalka suuban iyo in la daa’imo ilaa geerida calaamad waxay u yihiin khaatumada suuban, siduu noo sheegay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – markuu yiri:

(إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالْخَوَاتِيمِ) ، وفي رواية : (إِنَّمَا الْأَعْمَالُ كَالْوِعَاءِ ، إِذَا طَابَ أَسْفَلُهُ طَابَ أَعْلَاهُ ، وَإِذَا فَسَدَ أَسْفَلُهُ فَسَدَ أَعْلَاهُ)

 (camalka waa uun khaatumada) riwaayo kale waxaa ku sugan: (camalka waa sida weelka oo kale, haddii hootiisa ay fiicnaato korkiisana wuu ficnaanayaa, haddii hostiisa ay xumaato korkiisana wuu xumaanayaa),

siduu nagu hagay quraanka kriimka oraahda Alle:

{فَمَن كَانَ يَرْجُو لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلاً صَالِحًا وَلاَ يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَدًا}

(Ruuxiise dooni la kulanka rabbigiisa ha falo camal fiican, yuuna la wadaajin cibaadada rabbigiisa cidna.),

siduu nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – ugu caddeeyay oraahdiisa:

(إِذَا أَرَادَ اللَّهُ بِعَبْدٍ خَيْرًا اسْتَعْمَلَهُ)، فقيل: كيف يستعمله يا رسول الله؟ ، قال : (يُوَفِّقُهُ لِعَمَلٍ صَالِحٍ قَبْلَ الْمَوْتِ) ، وفي رواية : (إِذَا أرَادَ الله بِعَبْدٍ خَيْرًا عَسلَهُ) ، قِيلَ: وَمَا عَسلَهُ ؟ ، قَال: (يَفْتَحُ اللَّهُ لَهُ عَمَلًا صَالِحًا قَبْلَ مَوْتِهِ ، ثُمَّ يَقْبِضُهُ عَلَيْهِ)

(Hadduu Alle addoon khayr la doono wuu shaqagalinayaa) waxaa la yiri: siduu u shaqagalianyaa rasuulkii allow? Wuxuu yiri: (wuxuu waafajinayaa camal suuban geerida kahor) riwaayo kale waxaa ku sugan: (hadduu Alle addoon khayr la doono wuu maceynayaa) waxaa la yiri: maxaa laga wadaa wuu maceynayaa? Wuxuu yiri: (wuxuu u furayaa camal suuban geeridiisa kahor kaddib ayuu oofsanayaa),

wuxuu yiri Alle:

(وَأَمَّا الَّذِينَ سُعِدُوا فَفِي الْجَنَّةِ خَالِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ السَّمَوَاتُ وَالْأَرْضُ إِلَّا مَا شَاءَ رَبُّكَ عَطَاءً غَيْرَ مَجْذُوذٍ)

(Kuwa la liibaanayna jannay ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku wuxuu Alle doono mooyee, waana siismo aan go’ayn)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More