Sawirada talawareejinta Farmaajo iyo Xasan Sheekh

Dalka soomaaliya waxaa ka dhacday doorasho 15-ka bishan aan ku jirno waxaa ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ku khasaaray Farmaajo.

Sawirada talawareejinta Farmaajo iyo Xasan Sheekh
Sawirada talawareejinta Farmaajo iyo Xasan Sheekh

Sida muuqatay Farmaajo wuxuu isku dayay inuu dalka haysto doorasho la’aan, laakin way u suurtagali waysay, sidoo kale Farmaajo afarta sano uu talada hayay ballamada uu shacabka ka qaaday wuu kasoo bixi waayay, wuxuuna adeegsan jiray cayayaanka baraha bulshada si loo sameeyo shacbiyad been ah oo dadka caqliga yar lagu sirayo, dad badan ayaa ooyay markii laga guulaystay, dadkaas waxay isugu jireen dad oohinta jilayay iyo dad caqliga laga xaday oo daacad ah, wuxuuna rabay inuu talada sii haysto ilaa uu ka dhinto ama xoog lagaga qaado sidii Siyaad Barre oo kale, haddii aan si caqli leh loola dhaqmin xaaladda ka jirtay dalka sannadkii ugu dambeeyay xilka Farmaajo xilwareejinta oo nbadda ku dhisan ma aysan suurtagali lahayn.

Farmaajo wuxuu galiyay dalka sannadkii ugu dambeeyay halis keeni kartay in dagaalkii sokeeye soo laabto, dadka Farmaajo ka dhigay qarankii inuu isaga yahay maanta hadday qaranka ay jecel yihiin ha garab istaagaan madaxweynaha la doortay si dalka loo dhiso oo umadda loogu gargaaro.

Guud ahaan in talada si nabad ay ugu wareegto madaxweynaha la doortay waa arrin aad u fiican oo keenaysa in soomaali ay aayar aayar u toosto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More