Fadliga shahiidka Islaamka meesha uu geeyay

Fadliga shahiidka Islaamka meesha uu geeyay

Jihaadka waa camal aad u fiican oo meel weyn ka taagan diinta islaamka, qofka shahiidka ah wuxuu gaarayaa darajo aad u sarreysa, qofka muslinka ah marka uu ku dhinto waddada Alle waa shahiid.

Fadliga Shahiidka Islaamka Meesha Uu Geeyay
Fadliga Shahiidka Islaamka Meesha Uu Geeyay

Fadliga shahiidka iyo shadaada dar Alle lama soo koobi karo nusuus badan ayaa kusoo aroortay Alle kitaabkiisa kariimka ah wuxuu ku yiri:

(وَلَا تَقُولُوا لِمَن يُقْتَلُ فِي سَبِيلِ اللَّـهِ أَمْوَاتٌ  بَلْ أَحْيَاءٌ وَلَـٰكِن لَّا تَشْعُرُونَ)

(Hana ku dhihina kuwa lagu dilo jidka Alle (Jahaadka) waa dhinteen, saas ma aha ee waa nool yihiin, laakin ma dareemaysaan)

wuxuu leeyahay Alle:

{وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَالرَّسُولَ فَأُولَئِكَ مَعَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ مِنَ النَّبِيِّينَ وَالصِّدِّيقِينَ وَالشُّهَدَاءِ وَالصَّالِحِينَ وَحَسُنَ أُولَئِكَ رَفِيقًا}

 (Qofkii adeeca Alle iyo rasuulka kuwaasu waxay ahaan lajirka kuwuu u nimceeyay Alle, oo nabiyada, rumeeyayaasha, shuhadada iyo kuwa suubban waxaana u fiican rafiiq kuwaas).

wuxuu yiri Alle:

{وَيَتَّخِذَ مِنْكُمْ شُهَدَاءَ}

(Idinkana dhigto shuhado)

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

 (إِنَّ اللَّهَ اشْتَرَى مِنَ الْمُؤْمِنِينَ أَنْفُسَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ بِأَنَّ لَهُمُ الْجَنَّةَ يُقَاتِلُونَ  فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَيَقْتُلُونَ وَيُقْتَلُونَ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنْجِيلِ وَالْقُرْآنِ)

(Alle wuxuu kaga gatay mu’miniinta naftooda iyo xoolahooda inay janno u ahaato waxay ku dagaallami jidka Alle oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Alle ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun liibaanta wayn)

waxaa kusoo arooray xadiiska in Ummu arrubayic bintu Albaraa -Ilaahay raalli haka noqdee –  iyadu waa hooyada Xaaritha bin Suraaqa waxay u timid nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – waxay tiri: nabigii Ilaahayo miyaadan iiga sheekaynaynin Xaaritha? waxaa la dilay maalinta Badar waxaa ku dhacay gamuun dool ah, hadduu jannada ku jiro waan sabrayaa haddii si kale ay tahay oohinta ayaan ugu dadaalayaa, wuxuu yiri: “umu xaarithoy waa jannooyin jannadada dhexdeeda, wiilkaagana wuxuu helay fardowsada ugu sarreysa“. Shahiidka dhabta ah waa kan Ilaahay u baraxtiray una huray naftiisa dar Alle, naftiisana u bixiyay siduu kalmadda Alle u kor yeeli lahaa una difaaci lahaa dhulkiisa una kor yeeli lahaa calanka dalkiisa, waxaa laga wariyay Abuu Muusaa -Ilaahay raalli haka noqdee –  wuxuu yiri: nin ayaa u yimid nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu yiri:

“الرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِلْمَغْنَمِ، وَالرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِلذِّكْرِ، وَالرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِيُرَى مَكَانُهُ، فَمَنْ فِي سَبِيلِ اللهِ؟ قَالَ: مَنْ قَاتَلَ لِتَكُونَ كَلِمَةُ اللهِ هِيَ الْعُلْيَا فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللهِ

Nin wuxuu u dagaallamaa qaniimo, ninna wuxuu u dagaallamaa in la sheego, ninna wuxuu u dagaallamaa si loo arko darajadiisa yaa ku sugan waddada Alle? Wuxuu yiri: qofka u dagaallamo si ay u noqoto kalmadda Alle midda ugu sarreysa isagaa ku sugan jidka Alle

waxaa laga wariyay Abuu hurayra -Ilaahay raalli haka noqdee –  inuu yiri:

جَاءَ رَجُلٌ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ (صلى الله عليه وسلم) ، فَقَالَ : يَا رَسُولَ اللَّهِ أَرَأَيْتَ إِنْ جَاءَ رَجُلٌ يُرِيدُ أَخْذَ مالي؟ قَالَ: « فَلاَ تُعْطِهِ مَالَكَ ». قَالَ: أَرَأَيْتَ إِنْ قَاتَلَنِي؟ قَالَ: «قَاتِلْهُ» ، قَالَ : أَرَأَيْتَ إِنْ قَتَلَنِي؟ قَالَ: «فَأَنْتَ شَهِيدٌ» ، قَالَ : أَرَأَيْتَ إِنْ قَتَلْتُهُ؟ قَالَ: «فَهُوَ فِي النَّارِ».

“Nin ayaa u yimid rasuulka Alle wuxuu yiri: rasuulkii allow ka waran nin hadduu ii yimaado oo raba inuu hantidayda qaato? wuxuu yiri “ha siinin hantidada” wuxuu yiri: ka waran hadduu ila dagaallamo? wuxuu yiri: “la dagaallan” wuxuu yiri: ka waran hadduu i dilo? wuxuu yiri: “waxaad tahay shahiid” wuxuu yiri ka waran haddaan dilo? wuxuu yiri: “naarta ayuu galayaa“.

waxaa laga wariyay Saciid bin Zayd -Ilaahay raalli haka noqdee –   inuu yiri rasuulka:

«مَنْ أُصِيبَ دُونَ مَالِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ ، وَمَنْ أُصِيبَ دُونَ أَهْلِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ ، وَمَنْ أُصِيبَ دُونَ دِينِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ».

(Qofkii la dilo hantidiisa ka soke waa shahiid, qofkii la dilo ehelkiisa ka soke waa shahiid, qofkii la dilo diintiisa ka soke waa shahiid).

wuxuu leeyahay Alle:

{وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا بَلْ أَحْيَاءٌ عِنْدَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ * فَرِحِينَ بِمَا آَتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا بِهِمْ مِنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ * يَسْتَبْشِرُونَ بِنِعْمَةٍ مِنَ اللَّهِ وَفَضْلٍ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُؤْمِنِينَ}

(Hana u malaynina kuwa lagu dilay jidka Alle kuwa dhintay, saas ma aha waxay ku noolyihiin rabbigooda agtiisa laguna arzaaqi * Iyagoo ku faraxsan wuxuu siiyay Alle oo fadligiisa ah, kuna bishaaraysan kuwaan wali haleelin ee gadaashooda ah inuusan korkooda cabsi iyo murugo midna «ahyn»).

Waxaa laga wariyay Jaabir bin Cabdillaahi -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri:

لَقِيَنِي رَسُولُ اللَّهِ (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) فَقَالَ لِي: «يَا جَابِرُ مَا لِي أَرَاكَ مُنْكَسِرًا»؟ قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ اسْتُشْهِدَ أَبِي، وَتَرَكَ عِيَالًا وَدَيْنًا، قَالَ: «أَفَلَا أُبَشِّرُكَ بِمَا لَقِيَ اللَّهُ بِهِ أَبَاكَ»؟ قَالَ: بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ. قَالَ: “مَا كَلَّمَ اللَّهُ أَحَدًا قَطُّ إِلَّا مِنْ وَرَاءِ حِجَابٍ، وَأَحْيَا أَبَاكَ فَكَلَّمَهُ كِفَاحًا (مُواجَهَةً لَيْسَ بَيْنَهُمَا حِجَابٌ وَلا رَسُولٌ) فَقَالَ: يَا عَبْدِي ، تَمَنَّ عَلَيَّ أُعْطِكَ ، قَالَ: يَا رَبِّ تُحْيِينِي فَأُقْتَلَ فِيكَ ثَانِيَةً ، قَالَ الرَّبُّ عَزَّ وَجَلَّ: إِنَّهُ قَدْ سَبَقَ مِنِّي أَنَّهُمْ إِلَيْهَا لا يُرْجَعُونَ” ، قَالَ: وَأُنْزِلَتْ هَذِهِ الآيَةُ: {وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا}.

Waxaa ila kulmay rasuulka Alle – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu igu yiri: “Jaabirow maxaad u niyadjabsan tahay“? waxaan ku iri: rasuulkii allow, aabbahayga ayaa shahiiday wuxuuna ka tagay ciyaal iyo deyn, wuxuu yiri: “ma kugu bishaareeyaa wixii aabbahaaga kula kulmay Alle? wuxuu yiri: haa rasuulkii allow, wuxuu yiri: ” Ilaahay waligii qof si toos ulama hadlin wuxuu soo nooleeyay aabbahaaga wuuna la hadlay iyagoon xijaab u dhexeynin, wuxuu ku yiri: addoonkeygiyow wax iga codso aan ku siiyee, wuxuu yiri: rabbiyow waad i noolaynaysaa mar labaad ayaana lay dilayaa Alle wuxuu yiri: waxaa iga hormaray inaan dad la celinaynin, wuxuu yiri aayaddaan ayaa lasoo dejiyay:

{وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا}.

(Hana u malaynina kuwa lagu dilay Jidka Alle kuwa dhintay)

wuxuu maqlay nabiga cod haweeney qaylinayso wuxuu yiri: “maxaad u oynaysaa? ha ooyin malaa’igta wali garbaheeda ayay ugu haraynaysaa

waxaa laga wariyay Cabdillaahi bin Camr bin Alcaas  -Ilaahay raalli haka noqdee –  wuxuu yiri: waxaan maqlay rasuulka Alle oo dhahaya:

 (إِنَّ اللَّهَ تَعَالَى يَدْعُو يَوْمَ الْقِيَامَةِ الْجَنَّةَ ، فَتَأْتِي بِزُخْرُفِهَا وَرِيِّهَا ، فَيَقُولُ : أَيْنَ عِبَادِيَ الَّذِينَ قَاتَلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ ، وَقُتِلُوا فِي سَبِيلِي ، وَأُوذُوا فِي سَبِيلِي ، وَجَاهَدُوا فِي سَبِيلِي ، ادْخُلُوا الْجَنَّةَ ، فَيَدْخُلُونَهَا بِغَيْرِ حِسَابٍ وَلا عَذَابٍ ، فَتَأْتِي الْمَلائِكَةُ ، فَيَقُولُونَ : رَبَّنَا نَحْنُ نُسَبِّحُ لَكَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ ، وَنُقَدِّسُ لَكَ ، مَنْ هَؤُلاءِ الَّذِينَ آثَرْتَهُمْ عَلَيْنَا ؟ فَيَقُولُ الرَّبُّ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: هَؤُلاءِ الَّذِينَ قَاتَلُوا فِي سَبِيلِي ، وَأُوذُوا فِي سَبِيلِي ، فَتَدْخُلُ عَلَيْهِمُ الْمَلائِكَةُ مِنْ كُلِّ بَابٍ ” سَلامٌ عَلَيْكُمْ بِمَا صَبَرْتُمْ ، فَنِعْمَ عُقْبَى الدَّارِ”.

Ilaahay maalinta Qiyaame wuxuu u yeerayaa jannada waxay la imaanaysaa quruxdeeda iyo dhaldhalaalkeeda, wuxuu dhahayaa: aaway addoomahayga oo ku dagaallamay jidka Ilaahay oo darteyda loo dilay  oo dartayda loo dhibay oo dartayda u jihaaday, gala jannada, waxay galayaan xisaab la’aan iyo cadaab la’aan malaa’igta ayaa imaanayso waxay dhahayaan rabbiyow annaga waan kuu tabiixsanaynaa habeen iyo maalin waanna ku weynaynaa yay yihiin kuwan aad naga dooratay? wuxuu oranayaa Alle: kuwan waa kuwa u dagaallamay dartayda dartaydana loo dhibay, malaa’igta ayaa uga soo galayso albaab kaste “nabadgelyo korkiina ha ahaato sabarkiina dartiisa, waxaana fiicnaatay ciribta daarta

waxaa laga wariyay Samura bin Jundub  -Ilaahay raalli haka noqdee –  inuu yiri rasuulkii Alle ayaa yiri:

“رَأَيْتُ اللَّيْلَةَ رَجُلَيْنِ أَتَيَانِي فَصَعِدَا بِي الشَّجَرَةِ فَأَدْخَلانِي دَارًا هِيَ أَحْسَنُ وَأَفْضَلُ لَمْ أَرَ قَطُّ أَحْسَنَ مِنْهَا ، قَالا لِي: أَمَّا هَذِهِ فَدَارُ الشُّهَدَاءِ”.

Waxaan arkay xalay labo nin oo ii yimid waxay ila fuuleen geed waxay i galiyeen daarta ugu fiican waligay ma arag wax ka fiican, waxay igu dhaheen: tan waa daarta shuhadada“.

Sidaa awgeed shahiidka waa qofka kaliya jecel inuu usoo laabto adduunka oo mar labaad loo dilo dar Alle, sida xadiiska Anas kusoo arooray inuu nabiga yiri:

“مَا أَحَدٌ يَدْخُلُ الجَنَّةَ يُحِبُّ أَنْ يَرْجِعَ إِلَى الدُّنْيَا ، وَأَنَّ لَهُ مَا عَلَى الأَرْضِ مِنْ شَيْءٍ إِلا الشَّهِيدُ ، فَإِنَّهُ يَتَمَنَّى أَنْ يَرْجِعَ إِلَى الدُّنْيَا ، فَيُقْتَلَ عَشْرَ مَرّاتٍ ؛ لِمَا يَرَى مِنَ الكَرَامَةِ” ، وَفِي رِوَايَةٍ: “لِمَا يَرَى مِنْ فَضْلِ الشَّهَادَةِ”.

(qof ma jiro oo jannada galayo oo jecel inuu adduunka usoo laabto oona helaya dhulka waxa yaalla oo dhan qofaan shahiidka ahayn, wuxuu rabaa inuu usoo laabto adduunka oona la dilo toban jeer karaamada uu arkayo darteed, riwaayo kale waxaa ku sugan “fadliga shahaadada uu arkayo dartii“.

wuxuu leeyahay Alle (SW):

{مِنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ فَمِنْهُم مَّن قَضَى نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلًا}

(Mu’miniinta waxaa ka mid ah Rag ka rumeeyay waxay Eebe kula ballantameen, waxaana ka mid ah mid Gutay Ballankii (Ajashiisii) waxaana ka mid ah mid sugi mana ayna badalin)

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(عَيْنَانِ لَا تَمَسُّهُمَا النَّارُ، عَيْنٌ بَكَتْ مِنْ خَشْيَةِ اللهِ، وَعَيْنٌ بَاتَتْ تَحْرُسُ فِي سَبِيلِ الله)

(Labo il naar ma taabato, il cabsida Alle la ooysay, iyo il ku dhafartay iyadoo Alle dartii ilaalo ugu jirto).

Iyadoo sidaas ay tahay Islaamka ma aha mid xiiso u qabo dagaal iyo diig daadin, hasayeeshee wuu iska reebayaa intuu karo wuxuuna u iilanayaa nabadda wuuna adkaynayaa, wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَإِنْ جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتوَكَّلْ عَلَى اللهِ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ العَلِيمُ}،

(Hadday u Iishaan Gaaladu Nabad u lilo adna talana Saaro Eebe, Illeen isagaa uun Maqla waxna og), wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لاَ تَتَمَنَّوْا لِقَاءَ الْعَدُوِّ، وَسَلُوا اللهَ الْعَافِيَةَ، فَإِذَا لَقِيتُمُوهُمْ فَاصْبِرُوا)،

(Ha doonina inaad cadowga la kulantaan, Ilaahay weyddiista caafiyada, hadaad la kulantaana sabra)

 

Fadliga Shahiidnimada Nusuusta Kusoo Aroortay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More