Naagta ninkeeda inay u adeegto diinta maxay ka qabtaa

Naagta ninkeeda inay u adeegto diinta maxay ka qabtaa

Su’aasha:

scw walaalayaal maalmahan waxaa soo batay dadka ka hadlo waajibaadka naagta ee guriga dad badan waxay leeyihin naagta waajib kuma aha inay ninkeeda u adeegto kaliya xaqa uu ku leeyahay waa waajibka sariirta waxan rabi laha inaad jawaab faahfaahsan naga soo sisan diinta waxa ay ka qabto naagta inay ninkeeda u adeegayso iyo in kale ma waajib ba adeega naagta ninka maxaase laga rabaa idinko mahadsan.

Naagta ninkeeda inay u adeegto diinta maxay ka qabtaa
Naagta ninkeeda inay u adeegto diinta maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Mas’aladan oo ah adeegga haweeneyda ay u adeegayso ninkeeda culimada way isku khilaafeen laakin waxaa xoog badan daliilka ay daliilsadeen culimada u arkay in haweeneyda laga rabo inay u adeegto ninkeeda waajib ayayn ku tahay taas.

Addilada waxaa ka mid ah oraahda Alle (SW):

(الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ وَبِمَا أَنفَقُوا مِنْ أَمْوَالِهِمْ)

(Raggaa u taagan (Maamulka) Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed)

( وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ) 

(Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah oo wanaag ku dhisan, Raggase waxaa ugu sugnaa korkooda Darajo)

Labadan aayadood waxay tilmaameen ninka iyo xaaskiisa in qof kaste mas’uuliyad ay saaran tahay ninkana uu yahay qofka hoggaanka hayo, haddii la dhaho naagta inay guriga ka shaqayso waajib kuma ah, waxaa imaanayso ninka inuu banaanka kasoo shaqeeyo markuu guriga imaadana uu ka shaqeeyo taas way iska caddahay inay qalad weyn tahay iyo dulmi cad.

Waxaa kaloo ka mid ah xadiiska Faatima (RC)

(أنَّ فَاطِمَةَ عليها السَّلَامُ أتَتِ النبيَّ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ تَشْكُو إلَيْهِ ما تَلْقَى في يَدِهَا مِنَ الرَّحَى، وبَلَغَهَا أنَّه جَاءَهُ رَقِيقٌ، فَلَمْ تُصَادِفْهُ، فَذَكَرَتْ ذلكَ لِعَائِشَةَ، فَلَمَّا جَاءَ أخْبَرَتْهُ عَائِشَةُ، قالَ: فَجَاءَنَا وقدْ أخَذْنَا مَضَاجِعَنَا، فَذَهَبْنَا نَقُومُ، فَقالَ: علَى مَكَانِكُما فَجَاءَ فَقَعَدَ بَيْنِي وبيْنَهَا، حتَّى وجَدْتُ بَرْدَ قَدَمَيْهِ علَى بَطْنِي، فَقالَ: ألَا أدُلُّكُما علَى خَيْرٍ ممَّا سَأَلْتُمَا؟ إذَا أخَذْتُما مَضَاجِعَكُما – أوْ أوَيْتُما إلى فِرَاشِكُما – فَسَبِّحَا ثَلَاثًا وثَلَاثِينَ، واحْمَدَا ثَلَاثًا وثَلَاثِينَ، وكَبِّرَا أرْبَعًا وثَلَاثِينَ، فَهو خَيْرٌ لَكُما مِن خَادِمٍ)

 

(Faatima (CS) waxay u timid nabiga (SCW) iyadoo ka cabanayso dhibka ay kala kulanto gacanteeda xagga shiidka, waxaa iyada soo gaartay nabiga in addoomo soo gaareen laakin ma aysan la kulmin, taas Caa’isho (RC) ayay u sheegtay markuu nabiga  yimid ayay u sheegtay wuxuu yiri (Cali) : wuxuu noo yimid anagoo seexanay waan soo kacnay wuxuu yiri: meeshiina jooga wuxuu fariistay nabiga dhexdeena ilaa qabowga cagihiisa caloosha iga soo gaaray, wuxuu yiri ma idin sheegaa wax ka khayr badan waxa aad weyddiisateen? haddii aad aaddaan jiifkiina ama aad gashaan firaashkiina soddon iyo seddex jeer tasbiixsada Allana ku mahdiya soddon iyo seddex jeer sidoo kale tagbiirsada soddon iyo seddex jeer taas waxay idinka khayr badan tahay khaadim)

Bukhaari ayaa wariyay.

Xadiiska wuxuu tilmaamayaa naagta in iyada laga rabo gurigeeda inay ka adeegto ninka banaanka ayuu wax ka keenaa iyadana guriga ayay ka shaqaynaysaa, maxaayeelay nabiga gabadhiisa marka ay ka cabatay adeegga guriga oo ay ka dalbatay inuu khaadim ka siiyo addoomaha dagaalka lagasoo qafaalay ama addoomey u adeegto ma uusan siinin.

Waxaa ka mid ah xaddiiska Asmaa bint Abii bakar (RC)  oo Bukhaari wariyay oo ah:

 

(تَزَوَّجَنِي الزُّبَيْرُ وما له في الأرْضِ مِن مالٍ ولا مَمْلُوكٍ، ولا شَيءٍ؛ غيرَ ناضِحٍ وغَيْرَ فَرَسِهِ، فَكُنْتُ أعْلِفُ فَرَسَهُ، وأَسْتَقِي الماءَ، وأَخْرِزُ غَرْبَهُ، وأَعْجِنُ، ولَمْ أكُنْ أُحْسِنُ أَخْبِزُ، وكانَ يَخْبِزُ جاراتٌ لي مِنَ الأنْصارِ، وكُنَّ نِسْوَةَ صِدْقٍ، وكُنْتُ أنْقُلُ النَّوَى مِن أرْضِ الزُّبَيْرِ الَّتي أقْطَعَهُ رَسولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ علَى رَأْسِي، وهي مِنِّي علَى ثُلُثَيْ فَرْسَخٍ)

 

(Subeyr ayaa i guursaday asoon dhulka ku lahayn hanti iyo addoonba wax ma lahayn kaliya rati iyo faras mooyee, faraskiisa ayaan quudin jiray biyo ayaan usoo aroori jiray wadaantiisa ayaan toli jiray cajiin ayaan sameyn jiray si fiican uma dubi karin, waxaa ii dubi jiray dumar reer Ansaar oo deris ila ahaa, waxay ahaayeen dumar daacad ah, waxaan kasoo qaadi jiray miraha anoo madaxa ku sida dhulka Zubeyr oo uu nabiga (SCW) uu siiyay waxayna iga jiraa sedex meelood labo meel farsakh ah (5 kiiloomitir oo kale).

Xadiiskan isagana wuxuu tilmaamayaa adeegga xaaska ay u adeegayso ninkeeda, Asmaa oo uu dhalay Abuubakar Sidiiq(RC) oo Zubeyr bin Alcawaam (RC) qabay waxay sheegeysaa inay ninkeeda u adeegi jirtay kaliya guriga ma ahayn xataa beertiisa iyo hoolihiisa ayay ka shaqayn jirtay.

Teeda kale muslimiinta lagasoo bilaabo samanka nabiga (SCW) waxaa sugan naagta inay ninkeeda guriga ugu adeegayso isagana dibadda uu ka keenayo wixii loo baahan yahay, cunto karis dhar dhaqid nadiifinta guriga, taasna ma aha ninka inuu naagtiisa ku dulleysto oo uu ku dhibo wax aan daruuri ahayn oon loo baahnayn, marka shaki kama taagna in ay waajiba ku tahay naagta inay ninkeeda u adeegto laakin si macruuf ah oo aan xadgudub ku jirin.

 Sheekada naagaha inay dibadda kasoo shaqeeyaan waxaa ka dambeeyay reer galbeedka taasna waxaa loogu talaggalay in naagaha iyo ragga xumaan lagu dhex faafiyo, naagta iyo ninka in la samio si qoyska loo burburiyo, xadaaradda reer galbeedka waxay ku dhisan tahay wax kaste diinta ay qabto inay cagsigiisa ku dhaqaaqdo, tusaale ahaan ma oggola ninka inuu gurigiisa madax ka noqdo iyadoo sidaas ay tahay ma oggola in laga hor yimaado qaanuunka dowladda ay degsatay ma oggola in  la dhaho wax madax la dhahaayo ma jiro qof kaste qofka kale ayuu la siman yahay, markaas waxay ku leeyihiin haddii madaxweyne aan jirin waa fowdo laakin qoyska inuu fowdo ahaado waa la rabaa marka ay sheekada iyaga gaarto ma rabaan.

Yaa waajib ka dhigay in madaxweyne laga dambeeyo? maxaa xukuumo looga baahan yahay haddii dadka oo dhan ay wada siman yihiin oo aan qof laga dambeynaynin? Qofkii wax yar kaliya maskaxda ka shaqaysiiyo wuu fahmayaa in la rabo dadka laga fogeeyo diinta iyo sharciga Alle iyadoo naagaha lagusoo gabanayo.

Iyadoo sidaas ay tahay diinta waxay amartay ninka inuu xaaskiisa si wanaagsan kula dhaqamo inuu hadal fiican kula hadlo inuu u naxariisto inuu xataa shaqada guriga ugu kaalmeeyo maxaayeelay taas wanaaga iyo ixsaanka ayay ka mid tahay.

Alle (SW) wuxuu yiri:

(وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ)

(kulana Noolaada si Fiican)

Wuxuu yiri Alle (SW):

{وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَ‌حْمَةً إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُ‌ونَ} [الروم: 21]

(waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri)

Wuxuu leeyahay nabiga (SCW):

(خَيْرُكُمْ خَيْرُكُمْ لِأَهْلِهِ، وَأَنَا خَيْرُكُمْ لِأَهْلِي)

(Kiina ugu khayrka badan waa kan ehelkiisa ugu khayrka badan anigaa idinkaga khayr badan ehelkayga).

 

 

Akhlaaqda Gabadha Muslimada Ah Iyo Xishoodka

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More