Qofka is weyddiiya yaa Alle abuuray ma muslin baa?

Su’aasha:

Qofka niyaddiisa ay soo galayaan yaa abuuray Alle oo maanta oo dhan taas ka fikira iyo waxyaabo kale aan meesha ku sheegi karin qofkaas gaal miyuu noqonayaa, illeen iimanka waa qalbigee arintaas walwal daran ayay igu haysaa walaalayaalow ila taliya.

Qofka is weyddiiya yaa Alle abuuray ma muslin baa?
Qofka is weyddiiya yaa Alle abuuray ma muslin baa?

Jawaabta:

Qofka waxyaalaha qalbigiisa ku wareegta oo la xiriira jiritaanka Alle iyo quraanka iyo caqiidada islaamka inta badan waxaa keena waswaaska shayddaanka, waxaa jira xadiith uu wariyay Muslim wuxuu yiri rasuulka SCW:

(لاَ يَزَالُ النَّاسُ يَتَسَاءَلُونَ حَتَّى يُقَالَ: هذَا، خَلَقَ الله الْخَلْقَ، فَمَنْ خَلَقَ اللّهِ؟ فَمَنْ وَجَدَ مِنْ ذلِكَ شَيْئا فَلْيَقُلْ: آمَنْتُ بِاللّهِ”.

وفي رواية: ” آمَنْتُ بِاللّهِ وَرُسُلِه)

(Daka kama suulaan inay is weyddiiyaan ilaa laga yiraahdo: kan, Alle wuxuu abuuray khalqiga yaa Alle abuuray, qofkii taas isku arko ha dhaho: Ilaahay ayaan rumeeyay).

(riwaayo kale waxaa ku sugan Alle iyo rusushiisa ayaan rumeeyay)

Abuu Hureyra xadiith kale ayaa laga wariyay oo uu leeyahay:

 

(جَاءَ نَاسٌ مِنْ أَصْحَابِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم فَسَأَلُوهُ: إِنَّا نَجِدُ فِي أَنْفُسِنَا مَا يَتَعَاظَمُ أَحَدُنَا أَنْ يَتَكَلَّمَ بِهِ. قَالَ: “وَقَدْ وَجَدْتُمُوهُ؟” قَالُوا: نَعَمْ. قَالَ: “ذَاكَ صَرِيحُ الإِيمَانِ”)

(Dad asxaabta nabiga (SCW) ka mid ah ayaa nabiga u yimid waxayna wayddiiyeen: annaga waxaan ka arkeynaa nafteena wax midkeena la weyn inuu ku hadlo, wuxuu yiri: taas miyaad aragteen? waxay dhaheen: haa, wuxuu yiri: waa iimaanka oo cad”).

Axaadiith fara badan ayaa kusoo aroortay qofka oo la kulmaya waswaaska shaydaanka oo la xiriira jiritaanka Alle, taas oo ah marka qofka maskaxdiisa si qasab ah ay waxaas usoo galayaan.

Laakin qofka hadduu shaki ka galo iimaanka ama jirintaan Alle, taas arrintan way ka duwan tahay, shakiga gaalnimo ayuu noqonayaan, shakigana ma aha waswaas waa qofka u dhexeeya labo arrimood, yaqiin iyo malo.

Waxaad arkaysaa kuwa ilxaadka qaatay ama mulxidka ah oo ku oranaya aniga waan ka shakisanahay jiritaanka Alle, kaas waa gaal oo arrintaas kuma xambaarin waswaas.

Imaanka waa wax in si dhab loo qaato oo maskaxda ay yaqiinsato oo qalbiga ku sugnaado, waswaaskana waxba kama qaado bal waaba iimaanka cad marka uu qofka meeshaas gaaro, waayo shayddaanka waswaaska wuxuu u keenaa qof iimaan dhab ah haysta.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More