Riyada xaaska oo gacmaha iga jarayso anoo caruurta barkad kula jiro

Su’aasha:

Asc. Walaal aad baad ugu mahadsan tihiin shaqada wanaagsan aad bulshada u haysaan.
Walaal waxaan ku riyooday anoo barkada dabaasha caruurtayda kula dabaalanayo oo barayo dabaasha aadna ufaraxsan, xaaskayga oo barkada banaanka ka taagan baa gacanta midig muruqa iga goynaysa xanuuna ma dareemayo gacanta markay i jartay xataa ee waaba faraxsanahay bidixna waa igoysay caruurtii baan ku fakarayaa inaan lugaha ku qabto si aysan biyuhu u liqin xanuun iyo murugana ma i hayso oo waa faraxsanahay.

Riyada xaaska oo gacmaha iga jarayso anoo caruurta barkad kula jiro
Riyada xaaska oo gacmaha iga jarayso anoo caruurta barkad kula jiro

Mahadsanid wlll.

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa xaaska iyo adiga inaad is dagaalaysaan oo khilaaf weyn idin soo dhexmari doono waliba ilmaha ay kaa reeban doontaa, riyada waxaa laga yaabaa in digniin ay tahay waa inaad ilaalisaa gurigaaga waa inaad ka fogaataa wixii adiga iyo xaaskaaga idin kala fogeyn kara.

Marka riyada aan astaamaheeda faahfaahiyo barkada biyaha ilmaha aad dabaasha ku barayso waa dadaalka iyo waxqabadka caruurtaada aad u hayso iyo sida aad ugu mashquulsan tahay inay isku filnaaadaan, xaaska oo banaanka idin ka taagan waa sida aad ugu kala duwan tihiin daryeelka ilmaha, gacanta ay kaa jarayso waa kala fogaansho ama furiin oo iyada ay sabab u noqonayso, riyada sharteeda Ilaaahay ha idinka ilaaliyo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More