Qofkii dhinto mala dhihi karaa Alle ayaa naga jeclaaday

Su’aasha:

Waxa jirta inay badan yihii dadka marka qof dhinto iyaga oo tacsi u diraya Hebel ama beblaayo Waanu ku jeclayn ilaahay baa Naga kaa jeclaaday Ama hebel waanu jeclayn ee ilaahay baa Naga jeclaaday Words caynkaas ah ama hadalka caynkaas ah muxuu noqonayaa ilaa lama oga qof ilaahay jecel yahay iyo qofkale

Qofkii dhinto mala dhihi karaa Alle ayaa naga jeclaaday
Qofkii dhinto mala dhihi karaa Alle ayaa naga jeclaaday

Jawaabta:

Ereyga ” HEBEL ALLE AYAA NAGA JECLAADAY” hadii laga wado duco iyo rajo, haddii qofkaas loo rajeynayo inuu Alle jeclaado illeen qofkii Alle jeclaado naxariistiisa ayuu helayaa, wax dhib ma laha, waa sida dadka qaar ay dhahaan marxuum oo laga wado qofka loo naxriistay iyadoon la ogeyn qofkaas waxa ku dhacayo markuu dhinto, haddii ereyga loola jeedo rajo wax dhib ma laha, laakin haddii laga wado qofkaas inuu yahay qof Alle jeclaaday taas waa qalad maxaayeelay lama ogaan karo taas, marka in lagu xukumo ma aha jacaylka Alle.

Waxaa fiican qofka muslinka inuu adeegsado ereyo macne cad xambaarsan oo aan dadka wareer galinin, sida hebel wuu dhintay, hebel wuu geeriyooday, hebel Alle ayaa ayaa oofsaday, hebel wuu xijaabtay, ereyadan waa ereyo cadcad oo dadka aan shaki iyo wareer u keenin, laakin ereyga hebel Ilaah baa naga jeclaaday dadka badankooda ma fahmi karaan macneyaasha ka dhalan karo saan soo sheegnay labo macne ayaa laga fahmi karaa macnaha rajada iyo ducada, macnaha labaadna waa in qofkaas loo sugo jacaylka Alle taasna waa qalad.

Wuxuu yiri Alle subxaanahu:

{وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا}

(Hana raacraacin waxaadan cilmi u lahayn, Illeen maqalka, aragga iyo qalbigaba waa lays warsane)

Teeda kale Alle ayaa og qofka dhintay waxa uu la kulmay ma aha inaad ku tilmaanto wax aadan ogeyn wuxuu yiri Alle (SW):

(الَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَائِرَ الْإِثْمِ وَالْفَوَاحِشَ إِلَّا اللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَاسِعُ الْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوا أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اتَّقَىٰ)

(Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturan tihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane).

Annaga waxaan ka hadlaynaa qofka muslinka ah markuu dhinto, gaalka looma adeegsan karo ereyada tilmaamaya rajada iyo naxariista.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More