Sifada uu leeyahay qofka Ilaahay dhab u rumeeyay

Dadka mu’miniinta waxay leeyihiin sifooyin lagu garto, waxaa laga rabaa qofka mu’minka inuu ku sifaysnaado sifadaha iimaanka.

Sifada uu leeyahay qofka Ilaahay dhab u rumeeyay
Sifada uu leeyahay qofka Ilaahay dhab u rumeeyay

Diinta islaamka waa diin wax kaste caddeysay qofka mu’minka calaamado ayay u yeeshay hadduu ku sifoobo calaamadahaas wuxuu helayaa naxariista Ilaahay, imaankana waa gallad Alle dadka ku galladaysta, wuxuu leeyahay Alle (SW):

{بَلِ اللَّهُ يَمُنُّ عَلَيْكُمْ أَنْ هَدَاكُمْ لِلْإِيمَانِ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ}،

(Eebaa manna idinku leh inuu idinku hanuuniyay Iimaanka haddaad run sheegeysaan)
wuxuu leeyahay (caza wa jalla):

{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُواْ وَعَمِلُواْ الصَّالِحَاتِ وَأَقَامُواْ الصَّلاَةَ وَآتَوُاْ الزَّكَاةَ لَهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ وَلاَ خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلاَ هُمْ يَحْزَنُونَ}

(kuwa rumeeyay xaqa, oo Camal fiican falay, oo Oogay Salaadda, oo Bixiyay sakada waxay ka mudan ajirkooda Eebahood agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato)
wuxuu leeyahay Alle:

{قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ * الَّذِينَ هُمْ فِي صَلَاتِهِمْ خَاشِعُونَ}.

(Waxaa Dhab ahaan u Liibaanay Mu’miniinta * Ah kuwa Salaaddooda ku Khushuuca)
Wuxuu leeyahay (SW:

{وَالَّذِينَ هُمْ عَلَى صَلَوَاتِهِمْ يُحَافِظُوَن}

(waana kuwa Salaadadooda Ilaaliya)

wuxuu leeyahay (SW):

{وَإِذَا سَمِعُوا اللَّغْوَ أَعْرَضُوا عَنْهُ}

(Markay Maqlaan hadal Macno Darrana way ka Jeedsadaan)
Wuxuu leeyahay sidoo kale:

{وَالَّذِينَ لا يَشْهَدُونَ الزُّورَ وَإِذَا مَرُّوا بِاللَّغْوِ مَرُّوا كِرَامًا}،

((Kuwa Fiican) waa kuwaan Furayn Been, Markay Maqlaan Hadal Xunna Mara iyagoo Wanaagsan (Ka Jeedsada).)
Wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate):

(مِنْ حُسْنِ إِسْلَامِ المَرْءِ تَرْكُهُ مَا لَا يَعْنِيهِ)

(wanaagga islaamnimada qofka waxaa ka mid ah inuu ka tago wax aan qiime u lahayn)
wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَالمُؤمِنونَ وَالمُؤمِناتُ بَعضُهُم أَولِياءُ بَعضٍ يَأمُرونَ بِالمَعروفِ وَيَنهَونَ عَنِ المُنكَرِ وَيُقيمونَ الصَّلاةَ وَيُؤتونَ الزَّكاةَ وَيُطيعونَ اللَّـهَ وَرَسولَهُ أُولـئِكَ سَيَرحَمُهُمُ اللَّـهُ إِنَّ اللَّـهَ عَزيزٌ حَكيمٌ}.

(Mu’miniinta rag iyo Haweenba qaarkood qaarka (kale) waa u Sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade fal sane)
wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ * إِلَّا عَلَى أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ}

(Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya * Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas)
Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu ducadiisa ku weyddiin jiray rabbigiisa (caza wa jalla) dhowrsanaan, wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ الهُدَى وَالتُّقَى والعَفَافَ وَالغِنَى)

(Ilaahayow waxaan ku weyddiinayaa hanuun iyo taqwo iyo dhowrasaan iyo hodannimo)
wuxuu leeyahay Alle (SW):

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَوْفُوا بِالْعُقُودِ}

(Kuwa (Xaqa) Rumeeyoow Oofiya Ballanka), wuxuu leeyahay Alle:

{إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا}

(Eebe wuxuu idin Fari inaad u Gudaan (siisaan) Amaanada Ehelkeeda), wuxuu isku xiray nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) iimaanka iyo amaanada wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لَا إِيمَانَ لِـمَنْ لَا أَمَانَةَ لَهُ، وَلَا دِينَ لِـمَنْ لَا عَهْدَ لَهُ).

(Iimaan ma laha qofkaan amaano lahayn diinna ma laha qofkaan ballan lahayn)

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لَوْ أَنَّكُمْ تَتَوَكَّلُونَ عَلَى اللهِ حَقَّ تَوَكُّلِهِ لَرَزَقَكُمْ كَمَا يَرْزُقُ الطَّيْرَ، تَغْدُو خِمَاصاً وَتَرُوحُ بِطَانًا)

(Haddaad u talasaaran lahaydeen Alle si dhab ah wuxuu idin arsaaqi lahaa siduu u arsaaqo shinbirta, waxay kalahaysaa iyadoo gaajaysan waxayna noqonaysaa iyadoo dhergan)
wuxuu leeyahay Alle (SW):

{ثُمَّ كَانَ مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا بِالْمَرْحَمَةِ}

(Markaas ka mid noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista)
wuxuu leeyahay Alle asoo ka hadlaya abaalka mu’miniinta:

{أُولَـئِكَ هُمُ الْوَارِثونَ*الَّذِينَ يَرِثونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُون}،

(Kuwaasu waa kuwa Dhaxli * oo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhex waari)
Wuxuu leeyahay (SW):

{إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ فَلَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ}

(Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camal wanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go’aynin)

wuxuu leeyahay:

{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّاتُ الْفِرْدَوْسِ نُزُلًا * خَالِدِينَ فِيهَا لَا يَبْغُونَ عَنْهَا حِوَلًا}.

(kuwa rumeeyay (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso degid, (martiqaad) * wayna ku waari dhexdeeda mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan))
wuxuu leeyahay:

{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ذَلِكَ الْفَوْزُ الْكَبِيرُ}،

(Kuwa xaqa rumeeyay Camal fiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More