Qarowga habeen walba maxaa keeno

Su’aasha:

Asc wll waku slmy magacyga wa ahmed ali waxan jira 23 sano ma seexdo hurdada igu yar depression i haan jiray ilahey hada wa iga qaaday walwalka dhibaatada kaliya hada i heysato wa hurdo la aan iyo haween walbo waan qarwa riyooyin xun arka maxa sababa.

Qarowga habeen walba maxaa keeno
Qarowga habeen walba maxaa keeno

Jawaabta:

Walaal riyada xun oo cabsida leh waxay xiriir la lahaan kartaa insha dadka, marka quraanka aad u akhriso, sidoo kale Alle si fiican u xus , xuska Alle wuxuu xasiliyaa qalbiga, sidoo kale isku mashquuli waxyaabo aad ku daali karto, howl faa’ido leh qabo, dadka wanaagsan la saaxiib, kaligaaga meel ha isku soo xirin, waxaas oo dhan niyadda ayay u roon yihiin, quraanka iyo salaadda si fiican ugu dadaal, haddaad heli karto geedka yansoonka oo shaaha oo kale ah cab habeen kaste, waa geed maskaxda dejiyo, shaah ahaan ayaa loo cabbayaa, afka ingiriiska waxaa la dhahaa Anise ama aniseed. 

Sidoo kale waswaaska wuxuu ka cayaaraa kaalin weyn hurada la’aanta iyo qarowga, marka isagana waxaad ku yarayn kartaa xuska Alle, adkaarta akhriso marka aad seexanayo marka aad soo toosayso

You might also like
Leave A Reply