Hurdada oo dhib igu ah maxaa lagu daaweyn karaa

Su’aasha:

Asc dr wll aniga habeenkii hurdada ayaa dhib igu ah mana seexan karo igama soo dhacdo sariirta waan saaranahay lkn ma seexan kari illaa dhib iyo silic badan maahee walaal maxaan sameeyaa ?

Hurdada oo dhib igu ah maxaa lagu daaweyn karaa
Hurdada oo dhib igu ah maxaa lagu daaweyn karaa

Jawaabta:

Hurda la’aanta sababo badan ayaa keena waxaa ugu badan fikirka joogtada ah iyo mashquulka maskaxda, waxaad isku daydaa inaad iska yareyso mashquulka iyo waxyaalaha maskaxda kaa wareerinaya, sidoo kale maalintii oo dhan meel ha fadhinin jirkaaga ka shaqeysii daalka wuxuu keenayaa hurdo, iska ilaali inaad cabto habeenkii shaah ama qaxwo, ku dadaal habeenkii hurada kahor inaad qubeysato inta aadan seexanin haddaad awoodoo markaad casheynyaso inaad toon cunto aad bay u fiican tahay toonta waxay keenaysaa hurdo dheer.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More