Diinta iyo waxbixinta axaadiis muhim ah

Diinta islaamka aad ayay ugu boorrisay dadka tabaalaysan in wax la siiyo, taas waxay nabad u keentaa bulshada, maxaayeelay dadka tabaalaysan haddii aan wax la siinin dadka lacagta haysta ayay xasdayaan markaas waxaa badanaya dhaca iyo boodka sidoo kale dilka, laakin qofka hodonka ah markuu wax siiyo qofka saboolka bulshada jacayl ayaa ka dhalanaya, nusuus aad u badan ayaa kusoo aroortay waxbixinta waxaa ka mid ah nusuustan halkan ku xusan:

Diinta iyo waxbixinta axaadiis muhim ah
Diinta iyo waxbixinta axaadiis muhim ah

فعن أم المؤمنين عائشة (رضي الله عنها) قالت : (لَوْ شِئْنَا أَنْ نَشْبَعَ شَبِعْنَا، وَلَكِنَّ مُحَمَّدًا (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) كَانَ يُؤْثِرُ عَلَى نَفْسِهِ)

Caa’isho mu’miniinta hooyadooda – Ilaahay raalli haka noqdee – waxaa laga wariyay inay tiri: (haddaan rabi lahayn waan dhergi lahayn, laakin (Nabi) Muxamed wuxuu ka dooranjiray (dad kale) naftiisa)

Wuxuu Ahaa mid naftiisa  ehelkiisa dadka kale ka doorto iyagoo aad ugu baahan,

وعن أَبِى سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ (رضي الله عنه) قَالَ : بَيْنَمَا نَحْنُ فِي سَفَرٍ مَعَ النَّبِيِّ (صلى الله عليه وسلم) إِذْ جَاءَ رَجُلٌ عَلَى رَاحِلَةٍ لَهُ قَالَ: فَجَعَلَ يَصْرِفُ بَصَرَهُ يَمِينًا وَشِمَالاً ، فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ (صلى الله عليه وسلم): (مَنْ كَانَ مَعَهُ فَضْلُ ظَهْرٍ فَلْيَعُدْ بِهِ عَلَى مَنْ لاَ ظَهْرَ لَهُ ، وَمَنْ كَانَ لَهُ فَضْلٌ مِنْ زَادٍ فَلْيَعُدْ بِهِ عَلَى مَنْ لاَ زَادَ لَهُ)، قَالَ: فَذَكَرَ مِنْ أَصْنَافِ الْمَالِ مَا ذَكَرَ حَتَّى رَأَيْنَا أَنَّهُ لاَ حَقَّ لأَحَدٍ مِنَّا في فَضْلٍ.

Waxaa laga wariyay Abuu Saciid Alkudri – Ilaahay raalli haka noqdee – inuu yiri: annagoo safar kula jirno nabiga waxaa u yimid nin oo saaran rati wuxuu yiri: araggiisa midig iyo bidix ayuu u rogrogayay wuxuu yiri rasuulka: (qofka haysto gaadiid dheeraad qofkaan haysanin ha ugu deeqo, qofkii haysta sahay dheeraad ah ha ugu deeqo qofkaan haysanin) wuxuu yiri: noocyo badan hantida ayuu sheegay ilaa aan ka aragno inaanan xaq u lahayn dheeraadka inaan haysano.

وفي الصحيحين عن عائشة (رضي الله عنها) قالت: جَاءَتني مِسْكِينَةٌ تَحْمِل ابْنْتَيْن لَهَا ، فَأَطعمتهَا ثَلاثَ تَمْرَاتٍ ، فَأَعطتْ كُلَّ وَاحدَةٍ مِنْهُمَا تَمْرَةً وَرفعتْ إِلى فِيها تَمْرةً لتَأَكُلهَا، فَاسْتَطعَمَتهَا ابْنَتَاهَا، فَشَقَّت التَّمْرَةَ الَّتي كَانَتْ تُريدُ أَنْ تأْكُلهَا بيْنهُمَا، فأَعْجبني شَأْنَها، فَذَكرْتُ الَّذي صنعَتْ لرسولِ اللَّه (صَلّى اللهُ عَلَيْهِ وسَلَّم) فَقَالَ : (إنَّ اللَّه قَدْ أَوْجَبَ لَهَا بِهَا الجنَّةَ ، أَو أَعْتقَها بِهَا مَن النَّارِ )

Labada sixiix (Bukhaari iyo Muslim) waxaa kusoo arooray xadiis laga wariyay Caai’sho –Ilaahay raalli haka noqdee -waxay tiri: waxaa ii timid haweeney miskiin ah oo labo gabar wadadata seddex timir ayaan siiyay, waxay siisay labadii gabdhood mid kaste hal timir, timirta seddexaadna afkeeda ayay u wadday say u cunto labadii gabdhood ayaa ka dalbaday inay cunaan, way u kala goysay timirtii ay cuni lahayd, arrinkeeda ayaan ka helay, waxaan u sheegay wixii ay sameysay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -wuxuu yiri: (Ilaahay jannada ayuu ugu waajibiyay ama naarta ayuu kaga xoreeyay), Haddii sidan uu yahay abaalka qof

Markii nabiga asxaabtiisa u tilmaamay iibsashada ceelka Ruuma, waxaa iska lahaa nin Yahuudi ah, biyaha ceelka ayuu lacag qaali ku gadi jiray, wuxuu yiri nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(مَنْ يَشْتَرِي بِئْرَ رُومَةَ فَيَكُونُ دَلْوُهُ فِيهَا كَدِلاَءِ الْمُسْلِمِينَ )

(Yaa iibsanaya ceelka Ruuma wadaantiisana ay ahaanayso sida wadaanta mulimiinta) cusmaan ayaa u yimid ninka yahuudiga wuuna la gorgortamay, wuu diiday inuu ceelka dhamaantiisa iibiyo nuskiisa ayuu ka iibsaday, wuxuu ka siiyay labo iyo toban kun dirham, wuxuuna u waqfay muslimiinta, maalin waxaa iska lahaa sayidnaa Cusmaan maalinna yahuudiga, maalinta  Cusmaan muslimiinta waxay arooran jireen in ku filan labo maalmood, markuu arkay yahuudiga arrinkaas wuxuu yiri: ceelkayga waad iga halleysay ee nuska kale iga iibso, wuxuu ka siiyay cusmaan siddeed kun dirham

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More