Lacag haddaan ku darsado xuska mowliidka sadaqo miyay ii tahay

Su’aasha:

Asc bahda daruuro wll waxa jiro qolyo aan isku qabiil ama jifo nahay waxay aamin sanyahiin waxa mowliidka ladhaho ani
ma aaminsani markaa way ijareen oo waxay idhaan bidcaa tahay maraa hada nin bay iisò direen waxay dhaheen lacag noga sooo qaad wuuna isoo wacay lagtiibuna iga rawaa markaa su aashayda waxa weeye lacagtaasi sadaqo ma ii noqon?

Lacag haddaan ku darsado xuska mowliidka sadaqo miyay ii tahay
Lacag haddaan ku darsado xuska mowliidka sadaqo miyay ii tahay

Jawaabta:

Xuska mowlidka aad baa laysugu khilaafsan yahay, waxaan ka wadaa xafladda iyo xuska dadka ay sameeyaan, culimo waxaa jira u arko inuu banaan yahay, culimo kalana bidco ayay u arkaan, qolo kaste wax bay daliisadaan.

Qolada diiddan waxay daliilsadeen  addilo waxaa ka mid ah oraahda Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا}

(Kuwa (Xaqa) Rumeeyow adeeca Alle oo adeeca rasuulka iyo kuwa amarka leh, oo idinka mid ah, haddaad ku dooddaan arrin u celiya Alle iyo rasuulka haddaad tihiin kuwo rumeeyay Alle iyo maalinta Dambe (qiyaamada) saasaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta)

Aaayadda waxay tilmaantay wixii laysku khilaafo in loo celiyo kitaabka iyo sunnada labadana kuma soo aroorin mowliid wax la dhaho.

Waxaa kaloo ay daliilsadeen xadiiskan:

(إنَّهُ مَن يعِشْ منْكم بعدي فسيَرى اختِلافًا كثيرًا فعليكُم بسنَّتي وسنَّةِ الخلفاءِ الرَّاشدينَ المَهديِّينَ من بعدي تمسَّكوا بِها وعضُّوا عليها بالنَّواجذِ وإيَّاكم ومُحدَثاتِ الأمورِ فإنَّ كلَّ بدعةٍ ضلالةٌ)

(qofkii noolaado wuxuu arki doonaan khilaaf badan waxa korkiina ah sunnadayda iyo sunnada khulafada raashidiinta ee hanuunsan gadaashayda qabsada goos dambeedka ku qaniina iska jira arrimaha lasoo cusboonaysiiyo badca katste waa baadi)

Mowlidka nabiga ma sameynin asxaabtiisana qof sameeyay kuma jiro hadduu khayr ahaan lahaa iyagaa sameyn lahaa, marka waa bidco bidca kastana waa baadi.

Laakin qolada mowliidka oggol waxay dhahaan waa bidco wanaagsan.

Laakin imaam maalik wuxuu yiri:

(مَن ابتدَعَ في الإسلامِ بِدعةً يراها حسَنةً، فقد زعَم أنَّ محمدًا خان الرِّسالةَ؛ لأنَّ اللهَ تعالى يقولُ: {الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا}؛ فما لم يكُن يومئذٍ دِينًا، فلا يكونُ اليومَ دِينًا)

(qofkii islaamka soo galiyo bidco asoo u arkayo inay fiican tahay wuxuu u maleeyay in nabi Muxammad risaalada khiyaanay maxaayeelay Alle wuxuu leeyahay: (Maantaan idiin dhammeystiray diintiinna waxaanna idiin taamyeelay korkiinna nicmadayda islaamkana diin ahaan ayaan idkinkaga raalli noqday))

Waxaa kaloo ay daliil sadeen xadiiska:

(من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رد)

(qofkii sameeyo camal oo aan arrinkeena ku salaysnayn waa la celinayaa)

Marka labada qoloba wax bay soo daliilsadaan taas oo keentay in lays gaalaysiiyo oo lays naco kuwa suufiyada way kasii badbadiyeen sidoo kale kuwa wahaabiyada iyagana way kasii badbadiyeen.

Marka runta laga hadlo diinta waxaa loo soo dejiyay in lagu dhaqmo oo laysku xukumo qofkii nabiga jecel wuxuu raacayaa diintiisa siduu Ilaahay quraanka ku yiri:

{قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ}

(Dheh haddaad tihiin kuwo jecel Eebe i raaca haydin jeclaado Eebee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista).

Culimada banneeyay iyo adiladda ay wataan halkaan ayaad ka akhrisan kartaa linkiyada hoose:

 

  1. Mowliidka Ma Xadiis Sugan Ama Aayad Cadeyneysaa Jirta
  2. Xoolaha Loo Gowraco Mowliidka Mala Cuni Karaa

 

Teeda kale qofka markuu sadaqo baxsanayo waa inuu bixiyaa asoo raalli ka ah , ma aha in lagu qasbo waayo sadaqada iyo sakada farqi ayaa u dhexeeyo sakada waa waajib marka shuruudaheeda la helo sadaqadana waa sunno oo wanaagsan qofka markuu awoodo, marka haddii aad ku qanacsan tahay in mowliidka uu bidco yahay haddii aad lacagtaas bixiso sadaqo kuuma noqonayso, waayo waxaad ku bixisay wax adiga aad aaminsan tahay inay bidco yihiin.

You might also like
3 Comments
  1. Siigada kadib dhidid iyo oon daran ayaan isku arkay
    Armaan says

    Walaalahayga Daruur.com anigoo ixtiraam badan idiin haya hadana waxaan idinleeyahay mawliidku inuu bidco yahay maaha wax khilaaf la galin karo, wakhtigii uusoo bilawday iyo cidda bilawdayna waa layaqaanaa, mas,aladan inaad si adag uga hadashaan ayaan jeclaa oo aad caddaysaan bidconimadeeda.

    1. Siigada kadib dhidid iyo oon daran ayaan isku arkay
      Daruur says

      Walaal khilaafka wuu jiraa, haddii qofka uu wax ku qanacsan yahay ma aha dadka kale inuu ku dirqiyo waxa uu ka aaminsan yahay, (haddii aysan jirin nusuus qadci ah) mas’aladan aad bay u qotodheer tahay kutub fara badan ayaa laga qoray khilaaf weyn ayaa ku jiro oo maanta aan qolo lagu gaalaysiin karin ama lagu fisqiyayn karin, meel gaaban haka eegin, inshaa Allaah markaan jaanis u helo ayaan si fiican u faahfaahin doonaa

      1. Siigada kadib dhidid iyo oon daran ayaan isku arkay
        Armaan says

        Haye wll Mahadsanid

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More