Islaamka muxuu ka qabaa qabyaaladda

Markaad akhriso nusuusta soo socota aayado iyo axaadiis ka kooban waxaad ogaanaysaa in qabyaaladda aysan waxba tarin, kaliya qofka in diintiisa ay wax u tarayso, islaamka wax badan ayuu qofka muslin ku booriyay.

Islaamka muxuu ka qabaa qabyaaladda
Islaamka muxuu ka qabaa qabyaaladda

Midnimada ayaa lagu dhisi karaa umad,  qabyaalad wax baa lagu dumiyaa, Islaamka aad buu xoogga u saaray nusuus  badan ayaa ku soo aroortay waxaa ka mid ah:

Oraahda Alle:

(وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا)

(Xarigga Alle qabsada dhammaantiina hana kala tagina).

Wuxuu la yimid nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee –  risaalo ugu yeeraysa midnimada iyo isku duubnaanta oona reebaysa kalatagga iyo khilaafka, wuxuu isu keenay carab oo kala daadsan wuxuuna ka dhigay hal ummad wuxuu ku walaalaysiiyay walaaltinnimada iimaanka, qalbigoodana wuxuu isugu geeyay isjacayl, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ}

(Mu’miniinta waa uun walaalo), wuxuu yiri Alle subxaanahu:

{وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ لَوْ أَنْفَقْتَ مَا فِي الأَرْضِ جَمِيعًا مَا أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَكِنَّ اللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ إِنَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ}

(Isuna soo keenay quluubtooda, haddaad bixiso waxa dhulka ku sugan oo dhan maadan isu keenteen quluubtooda, laakin Alle ayaa isu keenay dhexdooda Illeen isagaa Adkaade falsan ehe).

wuxuu yiri:

(مَثَلُ الْمُؤْمِنِينَ فِي تَوَادِّهِمْ وَتَرَاحُمِهِمْ وَتَعَاطُفِهِمْ مَثَلُ الْجَسَدِ ، إِذَا اشْتَكَى مِنْهُ عُضْوٌ تَدَاعَى لَهُ سَائِرُ الْجَسَدِ بِالسَّهَرِ وَالْحُمَّى)

(Mu’miniinta tusaalahooda xagga isjacaylkooda iyo isu naxariisashadooda iyo isu dhimrintooda waa sida jirka oo kale, marka xubin ka sheegato jirka oo dhan dhafar iyo qandho ayuu ka sheegtaa).

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ}

(Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Allana wax walba waa ogyahay).

waxaa ka mid ah taas oraahda Alle:

{وَإِلَى عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا}

(Waxaan u dirnay  caad walaalkooda Huud), iyo oraahdiisa:

{وَإِلَى ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا}

(Waxaan u dirnay Thamuud walaalkooda Saalix)

Iyo oraahda Alle subxaanahu:

{وَإِلَى مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا}

(Waxaan u dirnay Madyan walaalkooda Shucayb)

Alle markuu sheegay kaddib qisooyinka anbiyada hore wuxuu yiri:

{وَإِنَّ هَذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاتَّقُونِ}

(Tanna waa umaddiinii  umad kaliya anna waxaan ahay rabbigiina ee iga dhawrsada)

Wuxuu yiri subxaanahu:

{إِنَّ هَذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاعْبُدُونِ}

(Tanna waa umaddiinii  umad kaliya anna waxaan ahay rabbigiina ee i caabuda).

wuxuu leeyahay rasuulka:

(إِنَّ اللهَ يَرْضَى لَكُمْ ثَلَاثًا ، وَيَكْرَهُ لَكُمْ ثَلَاثًا ؛ فَيَرْضَى لَكُمْ: أَنْ تَعْبُدُوهُ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ، وَأَنْ تَعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ، وَيَكْرَهُ لَكُمْ : قِيلَ وَقَالَ ، وَكَثْرَةَ السُّؤَالِ ، وَإِضَاعَةِ الْمَالِ)

(Alle seddex ayuu raalli idin kaga yahay seddexna wuu idinku kiraahsadaa, wuxuu raalli idin kaga yahay inaad caabuddaan oo ayadan wax la wadaajinin, inaad qabsataan xarigga Alle dhammaantiina oo aydan kala tagin, wuxuu idinku kiraahsadaa;  waa la yiri iyo wuu yiri, iyo su’aal badan, iyo dayacidda maalka).

Wuxuu nabiga ummadda tusaale  uga dhigay markay midwodo oo ay is qabsato dhis isku rasaysan, wuxuu yiri rasuulka:

(الْمُؤْمِنُ لِلْمُؤْمِنِ كَالْبُنْيَانِ ؛ يَشُدُّ بَعْضُهُ بَعْضًا ، وَشَبَّكَ بَيْنَ أَصَابِعِهِ)

(Mu’minka wuxuu u yahay mu’minka dhis oo kale qaarkii qaarka kale ayuu adkeeyaa, farahiisa ayuu is dhexgaliyay).

Sidoo kale Islaamka wuxuu ugu yeeray wax kaste sabab u noqon kara midnimada, wuxuu ugu yeeray naxariista iyo jilicsanaanta iyo degenaanta, wuxuu yiri Alle:

{فَبِمَا رَحْمَةٍ مِنَ اللَّهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانْفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ}

(Naxariista Alle darteed ayaad ugu jilicday haddaadse tahay mid qallafsan oo qalbi adag way kaa kala tagi lahaayeen gaararkaada, ee iska cafi una dambi dhaaf warso kalana tasho amarka, markaas haddaad wax goosatana talo saaro Alle Ilaahayna wuxuu jecel yahay kuwa talasaartee).

Naxariista iyo jilicsanaanta waxay sabab u yihiin midnimada iyo isu keeniidda quluubta, wuxuu yiri rasuulka:

( إِنَّ الدِّينَ يُسْرٌ ، وَلَنْ يُشَادَّ الدِّينَ أَحَدٌ إِلاَّ غَلَبَهُ، فَسَدِّدُوا وَقَارِبُوا وَأَبْشِرُوا ، وَاسْتَعِينُوا بِالْغَدْوَةِ وَالرَّوْحَةِ وَشَيْءٍ مِنَ الدُّلْجَةِ)

(Diinka wuu fudud yahay, qof iskuma adkeeyo haddii kale wuu ka adkaanayaa, toosiya dhexdhexeysta bishaareysta, kaalmeysta arootii iyo galabtii iyo qeyb ka mid ah dheelmashada), wuxuu yiri rasuulka:

(إِنَّمَا بُعِثْتُ بِالْحَنِيفِيَّةِ السَّمْحَةِ)

(Waxaa layla soo diray diinta toosan oo sahlan).

wuxuu leeyahay Alle:

{وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا}

(Dadka wanaag ku dhaha) wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{لَّا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ}

(Alle idinkama reebayo kuwa diinta aan idinkula dagaallamin guryiinana aan idin kasoo saarin inaad u sameysaan samafal oona aad u garsoortaan, maxaayeelay Alle waa jecel yahay kuwa garsooreyaasha).

Qofka si fiican ula socdo dhacdooyinka taariikhiga wuxuu ogaanayaa in kalatagga iyo khilaafka ay yihiin sabab ka mid ah sabaha jabka iyo daciifnimada, wuxuu nooga digay quraanka kariimka arrinkaas, wuxuu yiri Alle:

{وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ تَفَرَّقُوا وَاخْتَلَفُوا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْبَيِّنَاتُ وَأُولَئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ}

(Hana noqonina kuwa kala tegay oo kale ee iskhilaafay intay u yimaadeen xujooyin kadib kuwaasina waa kuwa cadaab weyn u sugan yahay), wuxuu yiri Alle:

{وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَاصْبِرُوا إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ}

(Hana murmina ood fashilantaan uu tagana xooggiinnu samra Alle wuxuu la jiraa kuwa samree).

Sidaa awgeed Islaamka wuxuu la dagaallamay dhaqan kaste keeni kara kalatag iyo khilaaf, waxaad arkaysaa Islaamka asoo reebay midabtakoor oo ka mid ah raadyada qabyaaladda jaahiliyada oo la neceb yahay wuxuu yiri rasuulka:

(إِنَّ اللَّهَ (عَزَّ وَجَلَّ) قَدْ أَذْهَبَ عَنْكُمْ عُبِّيَّةَ الْجَاهِلِيَّةِ وَفَخْرَهَا بِالْآبَاءِ ، مُؤْمِنٌ تَقِيٌّ ، وَفَاجِرٌ شَقِيٌّ ، أَنْتُمْ بَنُو آدَمَ وَآدَمُ مِنْ تُرَابٍ)

(Alle wuxuu idinka tagsiiyay kibirka jaahiliyada iyo ku faanidda aabbeyaashooda, waxaa jira mu’min taqi ah iyo faajir xun, waxaad tihiin ilmaha Aadam Aadamna waxaa laga abuuray caro).

wuxuu yiri rasuulka:

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ ، أَلَا إِنَّ رَبَّكُمْ وَاحِدٌ ، وَإِنَّ أَبَاكُمْ وَاحِدٌ ، أَلَا لَا فَضْلَ لِعَرَبِيٍّ عَلَى عَجَمِيّ ، وَلَا لِعَجَمِيٍّ عَلَى عَرَبِيٍّ ، وَلَا أَحْمَرَ  عَلَى أَسْوَدَ ، وَلَا أَسْوَدَ عَلَى أَحْمَرَ ، إِلَّا بِالتَّقْوَى…) .

(Dadow: rabbigiina waa hal, aabbihiinana waa hal, qof carab ah kama fadli badna qof cajam ah, qof cajam ahna kama fadli badna qof carab ah, qof guduudanna kama fadli badna qof madow, qof madowna kama fadli badna qof guduudan Alle ka cabsi mooyee, kiina ugu qiimaha badan xagga Alle waa kiina ugu taqwo badan…).

Marka waxaad ogaataa soomaali marka ay ka leexatay waddada Islaamka saxa ah ayay ku dhacday godka qabiilka, qabyaaladda ayay madaxa la gashay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More