Riyada cuntada laga helayo qof dhintay

Su’aasha:

ASC

Dhamaan hawl wadaneeda pagkan waan salaamay, salaan ka dib waxaan jeclahay inaad ii fasishaan riyo aan xalay ku riyooday. Waxaan ku riyooday nin suldaan ah, oo aan garanaayo laakiinse imikan aan noolayn ayaa cunto i siiyey cuntadaasi waxay ahayd cunto caydhin oo isugu jirta, Bariis, Baasto iyo Caane boodhe. Niman qaraabadiisa ah ayuu igu balamiyey oo ku yidhi ninkaa cuntaada siiya, nimankii ayaa markaa i kaxeeyey oo cuntada meel ay dhigeen iiga soo saaray.

Riyada cuntada laga helayo qof dhintay
Riyada cuntada laga helayo qof dhintay

Jawaabta:

Waan kaa qaaday kusoo dhowoow bogga Daruur kuna sii share gareey baraha bulshada adoo mahadsan.

Riyadan waxay tilmaamaysaa in aad heli doonto risqi waasac ah oo xalaal ah, waxaadna ku helaysaa si sahlan, waa riyo bishaaro ah, qofka meydka ah marka la arko asoo cunto macaan ama cunto fiican ku siinaya waxay tilmaamaysaa riyada inaad heli doonto khayr iyo arsaaq xagga Alle kaaga imaanayso.

Marka khayrkeeda Ilaahay ha ku waafajiyo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More