Ninkeyga waan jeclahay laakin wiil ka yar ayaan xiriir la sameeyay ila taliya

Ninkeyga waan jeclahay laakin wiil ka yar ayaan xiriir la sameeyay ila taliya

Su’aasha:

waxan ahay xaas oo caruur leh ninkayga wa qof aad u fiican waan jeclahay lakin waxaa jirta arin aan walwalsanahay nin iaga yar an is baranay waan jeclaaday isaga wuu i jecladay waxan isuku dayay inaan iska joojiyo waan ogahay inay qalad weyn tahay laakin wan kari waayay wax xumaan ah ma samaynin waxan ula jeedaa gogoldhaaf xataa isma taabanin xataa marka aan la sheekaysanayo kala hadlo hadal xun ama kacsi leh laakin waxan dareemay inaan isku fikrad nahay aan ka helo laakin ninkayga sidaas ma aha mar kaste waan doodnaa isku fikrad ma nihi, wiilka dhalinyarada ah waxan isku dayay inaan ka fogado laakin m awoodo maalin kaste aan is aragnaa talo i siiya.

Ninkeyga waan jeclahay laakin wiil ka yar ayaan xiriir la sameeyay ila taliya
Ninkeyga waan jeclahay laakin wiil ka yar ayaan xiriir la sameeyay ila taliya

Jawaabta:

Falka aad ku dhacday marka hore ayaad fududeysatay maxaayeelay kowdii hadaad ka fogaan lahayd sidaas ma dhici lahayn, waxaa qalad ah adoo nin ku qabo nin kale inaad xiriir la samayso.

Haddii aad wadadaas ku sii socoto qalad ka weyn ayaad galaysaa, sino ayaad ku dhacaysaa, dumarka la qabo markay nin dhalinyar xiriir la sameeyaan ama shukaansadaan qaladka wuu u sahlan yahay maxaayeelay ninkooda ayay u saaraan wixii ka dhasho xumaanta ama shukaansiga ay sameeyeen, naagaha qaar nimankooda waxay ula joogaan kaliya lacag ayuu haystaa haddii ay ka tagto qof lacag siiyo ma helayso, waxay sameyaan xiriir qarsoodi.

Adiga waxa aad dareemayso shaydaan ayaa kugu akhrinaya wuu kuu qurxinayaa, wiilkaas yar waxaa laga yaabaa hadal macaan inuu kugu qabsaday hadduu dantiisa kaa gaaro dhibka aad gali doonto gurigaaga ayuu burburinayaa.

Waxaa lagaa rabaa inaad ka fikirto natiijada ka dhalan karta xiriirka xaaraanta ah aad la samaynayso ninkaas, waxaa ka imaan kara waxyaalo mustaqbalkaaga aduun iyo aakhiraba tirtiraya, marka Ilaahay ka baq ninkaaga ha khiyaanin, khiyaanada adiga kaliya ayay dhulka kula galaysaa.

Haweenka gogoldhaafka sameeya meeshan ayay ka bilaabaan falkaas foosha xun sheeko iyo xiriir markaas wax weyn ayaa ka dhalanaya oo ah fadeexo iyo ceeb iyo dambi weyn.

 

Lamaanaha is qaba ee kalsoonidu ka jabtay siday kusoo ceshan karan kalsoonidoda

You have first simplified the act you have committed, because if you had stayed away from it, it would not have happened. It is a mistake to have a relationship with another man.

If you continue on that path, you will make a greater mistake, you will commit adultery, when married women make a relationship with a young man or date a young man, the mistake is easier because they put on their husbands what is caused by the evil or the dating they have done, some women are with their husbands only because he only has money if she leaves someone to give him money she will not get it, they make secret connections.

For you, what you feel is read by the devil and he will beautify you, that little boy may have a sweet word that he has caught you if he reaches his interest in the trouble you will go into he will destroy your house.

You are required to think about the consequences of the unlawful relationship you are making with that man, things can come from it that will destroy your future in this world and the Hereafter, when fear Allah do not deceive your husband, the deceit will only go to the ground with you.

The women who do the scandal in this place start that ugly act with a story and a relationship and then a great deal arises of scandal and shame and great sin.

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More