Badeecada in la qaaliyeeyo ama dadka lagu khiyaano

Waqtiyada abaarta ama marka uu dhib jiro ganacsatada qaar fursad ayay u arkaan inay dadka ku qaaliyeeyaan badeecada, way keydiyaan wax kaste si uu qaali u noqdo waliba xiliyada dagaalada, taas waa wax aad u foolxun oo diinta ay la dagaallantay, waxaa kusoo arooray aayado iyo axaadiis badan.

Badeecada in la qaaliyeeyo ama dadka lagu khiyaano
Badeecada in la qaaliyeeyo ama dadka lagu khiyaano

Diinta islaamka waxay fartay in laga fogaado qishka iyo ixtikaarka iyo daneysiga nooc walba ha ahaadee,  wuxuu yiri Allaha sarreeya:

 

{وَيْلٌ لِلْمُطَفِّفِينَ * الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ * وَإِذَا كَالُوهُمْ أَوْ وَزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ * أَلَا يَظُنُّ أُولَئِكَ أَنَّهُمْ مَبْعُوثُونَ * لِيَوْمٍ عَظِيمٍ * يَوْمَ يَقُومُ النَّاسُ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ}،

(Waxaa halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya * Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta) * Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya * Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin * Maalin wayn darteed (Qiyaamada) * Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka), wuxuu leeyahay Alle (SW) asoo ka hadlaya sayidkeena Shucayb (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

{وَيَا قَوْمِ أَوْفُوا الْمِكْيَالَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ وَلاَ تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلاَ تَعْثَوْا فِي الأَرْضِ مُفْسِدِينَ}،

(Qoomkayow oofiya Miisidda iyo miisaanka si cadaalada hana ka nusqaaminina Dadka waxooda Dhulkana ha fasaadinina), wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(مَنْ غَشَّنَا فَلَيْسَ مِنَّا)

(Qofkii na qayaamo naga mid ma aha) wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لاَ تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ وَلاَ تَقْتُلُوا أَنْفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا}،

(Kuwa (xaqa) rumeeyow ha cunina xoolihiina dhexdiinna si baadil ah (xaaraam ah) inuu jiro ganacsi aad raalli isaga tihiin mooyee, hana dilina naftiinna, Alle wuxuu idiin yahay naxariistee) wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ، دَمُهُ، وَمَالُهُ، وَعِرْضُهُ)،

(muslinka muslinka kale xaaraan buu ka yahay dhiiggiisa iyo hantidiisa iyo sharaftiisa), wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لَا يَحْتَكِرُ إِلَّا خَاطِئ)

(Ixtikaar ma sameeyo qof gef ku jiro mooyee),  wuxuu leeyahay Allaha xaqqa (SW):

{وَمَنْ يَغْلُلْ يَأْتِ بِمَا غَلَّ يَوْمَ الْقِيَامَةِ}

(Ruuxii wax Khayaama wuu la Imaan wuxuu Khayaamay Maalinta Qiyaame,), wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(الْجَالِبُ مَرْزُوقٌ وَالْمُحْتَكِرُ مَلْعُونٌ)،

(Kan (badeecada) keenaya waa la arsaaqayaa kan ixtikaarka sameeyana waa la lacnadayaa) wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(تَعِسَ عَبْدُ الدِّينَارِ، وَالدِّرْهَمِ).

(Waxaa halaagsamay addoonka diinaarka iyo dirhamka)

 

Alle (caza wa jalla) wuxuu ugu ballanqaaday carrabka nabigiisa (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ganacsadaha runlowga ajir weyn wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(التَّاجِرُ الصَّدُوقُ الأَمِينُ مَعَ النَّبِيِّينَ، وَالصِّدِّيقِينَ، وَالشُّهَدَاءِ)،

(Ganacsadaha runlowga ah oo aaminka ah wuxuu la jiraa anbiyada iyo siddiiqiinta iyo shuhadada), wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW); markuu tilmaamayay dadka isaga ka baqa oo baarriyaasha ah:

{وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَى حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا* إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لاَ نُرِيدُ مِنكُمْ جَزاءً وَلاَ شُكُورًا * إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا * فَوَقَاهُمُ اللَّهُ شَرَّ ذَلِكَ الْيَومِ وَلَقَّاهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا* وَجَزَاهُمْ بِمَا صَبَرُواْ جَنَّةً وَحَرِيرًا}،

(Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan qafaalka ah * Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Alle, mana idinka doonayno Abaalmarin iyo Mahadnaq Midna * Waxaan ka Yaabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran * Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax * Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir) wuxuu leeyahay Alle (SW) asoo tilmaamaya dadka midigka xiga:

{أَوْ إِطْعَامٌ فِي يَوْمٍ ذِي مَسْغَبَة* يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ* أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ}،

(Iyo cunno la siiyo maalin gaajo * Agoon kuu dhaw * Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed)), wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(أَطْعِمُوا الطَّعَامَ، وَصِلُوا الْأَرْحَامَ، وَصَلُّوا بِاللَّيْلِ وَالنَّاسُ نِيَامٌ تَدْخُلُوا الْجَنَّةَ بِسَلَامٍ)،

(dadka cunta quudiya qaraabadana xiriiriya habeenkana tukada dadka iyagoo hurdaya jannada aad ku gashiinee nabadgalyo), wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

 

(خِيَارُكُمْ مَنْ أَطْعَمَ الطَّعامَ).

(kiina ugu fiican waa midka dadka cunta siiya)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More