Hal rakco iyadoo ii dhiman hadaan imaamka la salaamo noqsado salaadaas ansax miyaa

Su’aasha:

Walaal Salaad subax markaan masjidka galay waxaa i dhaaftay rakcadii koowaad tii labaad ayaan ku xirtay imaamka, markaas imaamka markuu salaada dhameeyey ee la salaama noqsaday ayaan ilaabay in hal rakco igu dhiman tahay markaan imaamka la salaamo noqsaday ayaan gadaal ka soo xasuustay in halk rakco igu dhimantahay ee salaadaas ma ansaxaysaa?

Hal rakco iyadoo ii dhiman hadaan imaamka la salaamo noqsado salaadaas ansax miyaa
Hal rakco iyadoo ii dhiman hadaan imaamka la salaamo noqsado salaadaas ansax miyaa

Jawaabta:

Qofka hadduu imaamka la tukanayo oo uu illaawo rakco iyo wixii ka badan, waxaa laga rabaa inuu soo celiyo rakcadaas uu illaaway, taasna waa haddii isla markaas uu soo xuuusto wuxuuna la imaanayaa sujuud sahwi rakcadaas markuu soo celinayo, laakin hadduu soo xusuusto muddo dheer kaddib sida haddii la gaaro waqtiga salaadda kale, waxaa laga rabaa salaaddii oo dhan inuu soo celiyo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More