Guurdoon Whats App ama Facebook iska jir qiso naxdin leh

Guurdoon Whats App ama Facebook iska jir qiso naxdin leh

Waagii hore ma jirin Guurdoon WhatsApp ama guurdoon Facebook.
gabadha waxaa laga doonan jiray aabbeheeda waxaa la dhihi jiray:

wax la kasaayo guurso wax la kasaayo halaguu dhalee.

laakin hadda sheekada way ka weynaatay arrintan.
waxaa soo baxay guurka baraha bulshada.

guurdoon qofka ah wuxuu iska xadiriyaa baraha bulshada sida Facebook iyo WhatsApp iwm.
Guurka internetka inta badan waa lagu fashilmaa.
maxaayeelay wuxuu ku dhisan yahay khayaal waxaad khadka ka baranaysaa qof aadan dhab u arkin.

Guurdoon WhatsApp ama Facebook iska jir qiso naxdin leh
Guurdoon WhatsApp ama Facebook iska jir qiso naxdin leh

waxaa laga yaabaa inuu sawir been ah meesha soo sarto oo sidaas aad ku shukaansato ama Camera fake ah inuu tuso.

waxaana u badan dumarka sheekadaas.

gabdho waxaa jira aad u foolxun oo soo xada sawirada naagaha quruxda badan waxay soo dhigtaan Facebook profile .

wiilal waxaa jira sheegta inay hanti leeyihiin ama ay joogaan  wadamada lacagta leh.
Wiilasha iyo gabdhaha guurka ka raadiya meelahan waxaa lagaga digayaa inay iska ilaaliyaan immisa qof lagu siray.
naftaada ayaa khatar gali karto intaad guur raadinayso ama guurdoon WhatsApp  aad tahay.
Qiso naxdin leh oo ku dhcday gabar Facebook nin ka shukaansatay.

gabadha waxay ahayd carab waxayna u dhalatay dalka Marocco nin ayay baratay ninkii ayaa shukaansi ku bilaabay.

sawiro ayay u dirtay lacag buu usoo diray ninkii muddo ayuu waday, mar kaste ay lacag u baahato wuu usoo diri jiray xitaa lacag yar uma soo direynin. 500 doolar – 1000 doolar oo kale ayuu marbiiba usoo diri jiray

gabadha ninka ayay ku kalsoonaatay aadna way jeclaatay waxay la yaabtay ninka siduu sakhi u yahay, jacayl daran ayay u qaadday.

wali si dhab ah uma kulmin.

wuxuu ku yiri waan ku guursanaa laakin waxaan rabaa inaad caafimaadkaaga baarto, lacag ayaan kuusoo diraa isbitaal fiican tag oo caafimaadkaaga soo baar, markaas iisoo dir natiijada.

gabadhii warkiisa ayay yeeshay isbitaal ayay tagtay way soo baartay jirkeeda.

natiijada ayay u dirtay ninkii marka meel ayuu ku balamiyay

laakin maxaa dhacay.

ninka wuxuu ahaa dadka ka ganacsado xubnaha dadka gabadhii intuu watay ayuu u geeyay dhakhtar u diyaarsanaa inta la suuxiyay ayay kala baxeen kelliaya, beerka, wadnaha, iyo xubnaha laga faa’idaysan karo oo dhan.

marka halistaas ayay leedahay wax aadan kaseynin inaad aaminto.

guurdoon haddaad tahay gabar ka doono cidda aad garanayso deris ama qaraabo ama dad wanaagsan aad dhab u garanayso.

iska jir qof aad Facebook ama Whats App  ama Viber aad ku aragtay inaad guur ka raadsato, siiba dumarka garoobada ha iska ilaaliyaan waayo iyagaa u badan guurdoonka baraha bulshada.

 

Gabadha sidey ku ogaan kartaa ninka daacadka ah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More