Nadarka inta nooc uu u qeybsamo kan waajibka iyo midka xaaraanta ah

Su’aasha:

Nadarka meqa ayuu uqeybsama

Nadarka inta nooc uu u qeybsamo kan waajibka iyo midka xaaraanta ah
Nadarka inta nooc uu u qeybsamo kan waajibka iyo midka xaaraanta ah

Jawaabta:

Culimada noocyada nadarka waxay u qeybiyeen toddobo nooc:

1- Nadarka xanaaqa ka dhasha, kaas oo dhaarta oo kale ah wuxuuna qaadanayaa xukunka kafaarada dhaarta
2- nadarka daacada sida qofka inuu dhaho: waa inaan soomaa ama haddii Ilaahay qofka iga jirran caafiyo waa inaan sadaqo bixiyaa, waxaana daliil u ah axaadiista nadarka sheegtay waxaa ka imid ah oraahda nabiga (SCW):

(من نذر أن يطيع الله فليطعه)

(Qofkii nadro inuu Alle adeeco ha adeeco)

Waxaa wariyay Bukhaari iyo asxaabta sunanta

3- nadar aan cayimanayan ama aan la sheegin waxaa laga wadaa qofka inuu yiraahdo nadar ayaa korkayga ah kaasn waa sida kafaarada dhaarta oo kale waxaana daliil u ah xadiiska oranaya:

(كفارة النذر إذا لم يسم كفارة يمين)

(Kafaarada nadarka hadduusan magacaabin waa kafaarada dhaarta)

Waxaa wariyay Attirmithi

4- nadarka dambiga ama macsiyada kaas ma banaana qofka inuu oofiyo tusaale ahaan qofka hadduu nadro inuu khamro cabbo ama qof kale inuu ku xadgudbo iwm. isagana kafaaro ayaa ku waajibayso sida uu xadiiska tilmaamay wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(لا نذر في معصية وكفارته كفارة يمين)

(Nadar macsiyo ma jiro kafaaradiisuna waa kafaarada dhaarta)

Waxaa wariyay Axmed iyo Abuu Daawuud

5- nadarka bannaan kaasoo laga wado qofka hadduu ku nadro wax iska mubaax ah oo aan xaaraan ahayn sida xirishada dhar gaar ah ama cunidda  cunto gaar ah inuu cunayo meel hebel inuu aadayo kaasna qofka labo ayaa u banaan inuu oofiyo iyo inuu kafaaro la yimaado.
6- nadarka waajibka waa nadarka qofka ku nadro waxyaalaha waajibka ku ah sida salaadda faradka oo kale nadarkaas maba ansaxayo waayo nadarka waa wax dusha layska saarayo waxyaalaha waajibkana dusha ayay kaa saaran yihiin marka wax qiima uu leeyahay ma jirto nadarkaas.
7- nadarka waxyaalaha aan suurtagalaynin sida qofka inuu nadro inuu soomo shalay taas suurtagal ma aha waayo shalay waa lasoo dhaafay, nadarkaas kasoo qaad ma laha ma ansaxayo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More