Sheekadii wanka iyo faraska murtida ay xambaarsan tahay

Sheekadii wanka iyo faraska murtida ay xambaarsan tahay

Waa sheeko gaaban oo muri weyn xambaarsan:

Sheekadii wanka iyo faraska murtida ay xambaarsan tahay
Sheekadii wanka iyo faraska murtida ay xambaarsan tahay

Nin beeralley ayaa faras iska lahaa faraskii wuu xanuunsaday wuxuu u yeeray dhakhtarka xoolaha markuu baaray ayuu yiri: Hadduusan kicin faraska seddex maalmood kaddib waa in la dilaa, waxaa maqlay wan oo meesha joogay, wankii wuxuu u tagay faraska wuxuu u sheegay hadalkii dhakhtarka laakin faraska aad buu u xanuunsanaa ma kici karin.

Subaxdii markii la gaaray wankii baa mar kale faraska u tagay wuxuu ku yiri: jiifka ka kac haddii kale waa lagu dilayaa, faraskii ayaa cabsaday markaasuu istaagay!!
Ninkii beeralleyga ayaa aad u farxay wuxuu yiri: waa inaan xaflad dhiganaa maxaayeelay faraska ayaa caafimaad helay marka hala gowraco wanka.

Murtida waxay tahay: wax aadan shaqo ku lahayn faraha hala galin.

 

A farmer owned a horse. The horse was sick. He called the veterinarian. When he examined it, he said, “If he doesn’t raise the horse after three days, he must be killed. A ram heard him and was there. The ram went to the horse and told him the doctor’s words, but the horse was very sick and couldn’t get up.”

In the morning when the ram arrived he went to the horse again and he said to him: get up from bed or else you will be killed, the horse was scared and stopped!!
The man who was very happy with the farmer said, “We must have a feast, because the horse has gotten health when it slaughters the lamb.”

You might also like
1 Comment
  1. Riyada caano geel iyo muqumad
    Armaan says

    Runtii waa sheeko qiimo badan maco balaadhanna xambaarsan

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More