Fasirka riyooyinka iyo xaaladaha riyada

Fasirka riyooyinka iyo xaaladaha riyada

Fasirka riyada wax caadi ma aha riyada meel wayn ayay ka joogtaa diinta.

Sida axaadiis badan ay tilmaameen riyada waxay ka mid tahay qayb nabinimada ka mid ah.

Marka riyada la fasirayo waxaa loo baahan yahay in la raaco qaacidooyin muhim ah xaga fasirka.

Fasirka riyooyinka iyo xaaladaha riyada
Fasirka riyooyinka iyo xaaladaha riyada

Waxaa ugu muhimsan sida soo socota:

1- Qofka riyada arkay xaalkiisa

Xaalka qofka riyooday wuxuu ka cayaaraa tafsiirka riyada kaalin weyn, qofkaas muxuu yahay nin baa mise waa naag ma caruur baa mise waa qof baaluq ah qof xaas leh miyaa ama waa qof doob ah, sifooyinkaas waxay badali karaan macnaha riyada

2- Waqtiga riyada la arkayo.

Taas oo laga wado xilliga qofka uu riyada arkay ma habeen baa mise waa maalin, fajarka ka hor miyaa mise waa fajarka kaddib, sidoo kale xilliga uu riyooday ma xilli qabow baa mise waa xilli kulayl jiilaal deyr gu’ dhamaan way saamaynayaan fasirka riyada.

3- Waxa lagu riyoonayo astaanta uu ka leeyahay bulshada

Waxaa kaloo muhim ah waxa riyada lagu arkayo iyo dhaqanka bulshada iyo caadada, tusaale ahaan wuxuu dadka ay baasaysataan ama ay neceb yihiin dhaqanka guurka iyo geerida dhamaan taasna umadaha way ku kala duwan yihin sidoo kale luqadda iyo macnaha ay xambaarsan yihiin ereyada fasirkooda, taas iyana macne kale ayay keenaysaa.

Si Nabi Yuusuf CS uu ugu fasiray labada qof jeelka kula jiray mid wuxuu arkay asoo madaxa muufo ay ka saaran tahay oo shinbir ka cunaya madxiisa midka kalena wuxuu ku riyooday asoo canab khamro ka miiraya.

Marka ay u soo bandhigeen riyada Nabi Yuusuf CS wuxuu ugu jawaabay midka shinbirta madaxa ka saaranayd inuu dhiman doono oo la dili doono oo uu u noqon doono shinbirta quud midka kalena wuxuu ugu fasiray miiridda canabka inuu u laaban doono shaqada hore uu haystay oo ahayd waraabinta boqorka Masar.

Waa kuwa aayadaha ka hadlay riyadan:

وَدَخَلَ مَعَهُ السِّجْنَ فَتَيَانِ ۖ قَالَ أَحَدُهُمَا إِنِّي أَرَانِي أَعْصِرُ خَمْرًا ۖ وَقَالَ الْآخَرُ إِنِّي أَرَانِي أَحْمِلُ فَوْقَ رَأْسِي خُبْزًا تَأْكُلُ الطَّيْرُ مِنْهُ ۖ نَبِّئْنَا بِتَأْوِيلِهِ ۖ إِنَّا نَرَاكَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ (36) قَالَ لَا يَأْتِيكُمَا طَعَامٌ تُرْزَقَانِهِ إِلَّا نَبَّأْتُكُمَا بِتَأْوِيلِهِ قَبْلَ أَن يَأْتِيَكُمَا ۚ ذَٰلِكُمَا مِمَّا عَلَّمَنِي رَبِّي ۚ إِنِّي تَرَكْتُ مِلَّةَ قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَهُم بِالْآخِرَةِ هُمْ كَافِرُونَ (37) وَاتَّبَعْتُ مِلَّةَ آبَائِي إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۚ مَا كَانَ لَنَا أَن نُّشْرِكَ بِاللَّهِ مِن شَيْءٍ ۚ ذَٰلِكَ مِن فَضْلِ اللَّهِ عَلَيْنَا وَعَلَى النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ (38) يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَأَرْبَابٌ مُّتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ (39) مَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِهِ إِلَّا أَسْمَاءً سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا أَنزَلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۚ أَمَرَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (40) يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَمَّا أَحَدُكُمَا فَيَسْقِي رَبَّهُ خَمْرًا ۖ وَأَمَّا الْآخَرُ فَيُصْلَبُ فَتَأْكُلُ الطَّيْرُ مِن رَّأْسِهِ ۚ قُضِيَ الْأَمْرُ الَّذِي فِيهِ تَسْتَفْتِيَانِ (41)

waxaana la galay Xabiiska Laba dhalinyara ah midkoodbaana yidhi waxaan arkay (Riyo) anoo Miiri kahmro, kii kalana wuxuu yidhi anna waxaan arkay anoo ku xambaari madaxayga korkiisa Khubus (kibis) kana cunayso shimirtu xaggiisa nooga warran fasiraadda waxaan kugu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaashee (36) wuxuu yidhi (Yuusuf) wixii cunna ah oo laydinku Arzaaqo waxaan idiinka warrami fasirkiisa ka hor imaatinkiisa, kaasina waa waxa Eebahay i baray, anuguna waxaan ka tagay (Nacay) milladda Qoomkaan rumaynayn Eebe oo aakhirana ka gaaloobay. (37) waxaana raacay milladda (Diinta) Aabayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, Nuguma habboona inaan la wadaajinno Eebe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebe ee korkannaga iyo Dadkaba, laakin Dadka badankiisu kuma shugriyaan (38) Saaxiibadayda Xabbiskow ma ilaahyo kala tagsan yaa khayrroon mise ilaah kaliya ee awoodda badan (39) ma caabudaysaan Eebe ka sokow waxaan magacyo aad magacowdeen ahayn idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo dejinin xujo, xukunkana Eebe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan caabudin isaga mooyee, saasaana diinta toosana laakiin Dadka badankood ma oga (40) Saaxiibadayda xabbiskow midkiin wuxuu waraabin sayidkiisa khamro, kan kalase waa la wadhi (Dili) oy shimbiruhu ka cuni Madaxiisa, waana la xukumay amarkaad warsateen (41)

 

Cilmiga Fasirka Riyooyinka Iyo Kutubta Ugu Muhiimsan

Fasirka riyada xabsiga halkan ka daawo

You might also like
2 Comments
  1. Fadliga barashada Afka carabiga xaga diinta islaamka
    Samia says

    Sheekh waxaan ku riyooday ninaan jiclaan jiray ayaan oon kala tagnay kuriyooday aftar long time ayaan ku riyooday asigoo murugeesan oo kaligiisa qol isku soo xeray kadib aan aniga u imaaday oo cidiisa aan weediyay oo aan ku iri aawi hebel ee ii sheegen inoo kaligiisa qol isku soo xeray oo fakiraaya plz iga soo jawaab muhiim ayan u ahay inan ogaada imelkega igu soo dir jababta plz riyadaaas waxaan ku riyooday anigoo xaas lii qawo aniga waxaan isdhahooya kheeyr ma ahan plz iga soo jabab

    1. Fadliga barashada Afka carabiga xaga diinta islaamka
      Daruur says

      WALAAL GOOBTA TALADA KUSOO DIR SU’AASHAADA
      https://daruur.com//submit-question/

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More