Riyada cunug dhashay kadib geeriyooday

Su’aasha:

Asc wallo waxan xalay ku riyooday xaaskeyga oo dhashay kadib uu cunuga geeriyooday marka maxaa lagu fasir kara madama hadda uur leedahay 9 bilood ay tahay.

Bal ii fasiir fadlan si deg deg ah

Riyada cunug dhashay kadib geeriyooday
Riyada cunug dhashay kadib geeriyooday

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa dhibaato kula soo gudboonaanayso inshaa Allaah dhibaatadaas isla markii way dhamaanaysaa, waxay kugu reebaysaa murugo iyo xanuun, inshaa Allaah Ilaahay khayr haka dhigo.

Dhalmada hadda waxaa lagu fasiraa inay arrin imaan doonto oo noloshiina ku cusub marka ay timaado arrintaas  isla markii ayaad kasoo kabsanaysaan, arrintaas waa arrin fikir iyo walwal kugu abuuri doonto sida laga fahmayo riyada.

Shardi ma aha in ay xiriir la leedahay uurka xaaskaaga waxay la xiriiri kartaa arrin kale oo gurigiina kusaabsan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More