Fadliga xajka uu leeyahay

Fadliga xajka uu leeyahay

Xajka wuxuu ka mid yahay arkaanta islaamka , qofka wuxuu ku waajibaa lacagta leh oo awoodo inuu aado xajka.

Fadliga xajka uu leeyahay
Fadliga xajka uu leeyahay

 

wuxuu yiri Alle:

{الْحَجُّ أَشْهُرٌ معْلُومَاتٌ فَمَنْ فَرَضَ فِيهِنَّ الْحَجَّ فَلَا رَفَثَ وَلَا فُسُوقَ وَلَا جِدَالَ فِي الْحَجِّ وَمَا تَفْعَلُوا مِنْ خَيْرٍ يَعْلَمْهُ اللَّهُ وَتَزَوَّدُوا فَإِنَّ خَيْرَ الزَّادِ التَّقْوَى وَاتَّقُونِ يَاأُولِي الْأَلْبَابِ}

(Xajka waa bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas xajka, afxumo, fisqi iyo muran ma jiro xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Alle, ee sahay qaata, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow)

Haddii xajka mabruurka (kan si fiican loo gutay) Alle dambiyada ku dhaafayo oo xaajiga uu noqonayo isagoo maalinta hooyadiisa dhashay oo kale, wuxuu leeyahay nabiga:

(مَنْ حَجَّ ، فَلَمْ يَرْفُثْ، وَلَمْ يَفْسُقْ، رَجَعَ كَيَوْمِ وَلَدَتْهُ أمُّهُ).

(Qofka xajiyo oo aan afxumo ku kicin fisqina sameynin wuxuu ku noqonayaa sida maalinta hooyadii ku dhashay oo kale)

Wuxuu yiri rasuulka:

(مَنْ أَتَى هَذَا الْبَيْتَ ، فَلَمْ يَرْفُثْ ، وَلَمْ يَفْسُقْ رَجَعَ كَمَا وَلَدَتْهُ أُمُّهُ)

(Qofka yimaado gurigan aan afxumo sameynin fisqina sameyinin wuxuu u noqonayaa sida maalinta hooyadii ku dhashay oo kale)

In la daa’imo camalka suuban waxay ka mid tahay camalka Alle xaggiisa loogu jecel yahay, waxayna astaan u tahay khaatumada suuban, Caa’isho – Ilaahay raalli haka noqdee – waxaa laga wariyay inay tiri: nabiga ayaa la weydiiyay camalkee loogu jecel yahay Alle agtiisa? wuxuu yiri:

(أَدْوَمُهَا، وَإِنْ قَلَّ)

(Kan joogtada ah xitaa hadduu yar yahay)

Abuu Hurayra waxaa laga wariyay inuu yiri rasuulka: Ilaahay wuxuu yiri:

(… وَمَا تَقَرَّبَ إِلَيَّ عَبْدِي بِشَيْءٍ أَحَبَّ إِلَيَّ مِمَّا افْتَرَضْتُ عَلَيْهِ ، وَمَا يَزَالُ عَبْدِي يَتَقَرَّبُ إِلَيَّ بِالنَّوَافِلِ حَتَّى أُحِبَّهُ ، فَإِذَا أَحْبَبْتُهُ كُنْتُ سَمْعَهُ الَّذِي يَسْمَعُ بِهِ ، وَبَصَرَهُ الَّذِي يُبْصِرُ بِهِ ، وَيَدَهُ الَّتِي يَبْطِشُ بِهَا ، وَرِجْلَهُ الَّتِي يَمْشِي بِهَا ، وَإِنْ سَأَلَنِي لَأُعْطِيَنَّهُ ، وَلَئِنِ اسْتَعَاذَنِي لَأُعِيذَنَّهُ)

(… iiguma soo dhowaado addoonkayga wax looga jecayl badan yahay waxa aan ku waajibiyay, kama suulo addoonkayga inuu iigu soo dowaado sunnooyinka ilaa aan ka jeclaado, markaan jeclaadana waxaan noqonayaa maqalka uu wax ku maqlo, aragga uu wax ku arko, iyo gacantiisa uu fidinayo iyo lugtiisa uu ku soconayo, hadduu wax i weyddiiyo waan siinayaa, hadduu magangalyo i warsadana waan magangalinayaa).

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More