Naxariista Alle sida lagu helo

Alle naxariistiisa waxaa lagu heli karaa camal suuban sidoo kale in loo naxariisto wax kastoo nool axaadiista ku soo aroortay naxariista Alle lama soo koobi karo sidoo kale aayado ayaa kusoo arooray naxarista Alle.

Naxariista Alle sida lagu helo
Naxariista Alle sida lagu helo

Abuu Hureyra  –Ilaahay raalli haka noqdee – waxaa laga wariyay inuu Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – yiri:

(إِنَّ اللَّهَ لَمَّا قَضَى الخَلْقَ، كَتَبَ عِنْدَهُ فَوْقَ عَرْشِهِ: إِنَّ رَحْمَتِي سَبَقَتْ غَضَبِي)

(Ilaahay marka uu dhameeyay abuurista wuxuu ku qoray agtiisa carshigiisa korkiisa: naxariistayda waxay ka hormartay caradayda), Alle wuxuu ku leeyahay xadiis qudsi:

(يَا ابْنَ آدَمَ إِنَّكَ مَا دَعَوْتَنِي وَرَجَوْتَنِي غَفَرْتُ لَكَ عَلَى مَا كَانَ فِيكَ وَلاَ أُبَالِي، يَا ابْنَ آدَمَ لَوْ بَلَغَتْ ذُنُوبُكَ عَنَانَ السَّمَاءِ ثُمَّ اسْتَغْفَرْتَنِي غَفَرْتُ لَكَ وَلاَ أُبَالِي، يَا ابْنَ آدَمَ إِنَّكَ لَوْ أَتَيْتَنِي بِقُرَابِ الأَرْضِ خَطَايَا ثُمَّ لَقِيتَنِي لاَ تُشْرِكُ بِي شَيْئًا لأَتَيْتُكَ بِقُرَابِهَا مَغْفِرَةً)

(Ina Aadamow intaad ii yeeraysid oo aad iga rajo qabtid waan kuu dhaafayaa wixii dembiyo kaa dhaca, anigoon u aabayeelin. Ina Aadamow haddii dembiyadaadu cirka gaaraan, kaddibna aad i weydiisato dembi dhaaf waan kuu dembi dhaafayaa. Ina Aadamow haddii aad iila timaadid dhulka muggiis oo dembiyo ah; kuna dhimatid adigoon iila wadaajinaynin wax kale, waxaan ku siinayaa dhulka muggii oo dembi dhaaf ah),

Wuxuu leeyahay:

(حُوسِبَ رَجُلٌ مِمَّنْ كَانَ قَبْلَكُمْ فَلَمْ يُوجَدْ لَهُ مِنَ الْخَيْرِ شَيْءٌ إِلاَّ أَنَّهُ كَانَ يُخَالِطُ النَّاسَ ، وَكَانَ مُوسِرًا ، فَكَانَ يَأْمُرُ غِلْمَانَهُ أَنْ يَتَجَاوَزُوا عَنِ الْمُعْسِرِ ، قَالَ: قَالَ اللَّهُ عَزَّ وَجَلَّ : نَحْنُ أَحَقُّ بِذَلِكَ مِنْهُ ، تَجَاوَزُوا عَنْهُ)

 (waxaa la xisaabiyay nin ka mid ah dadkii idinka horreeyay, wax khayr ah looma helin, laakin wuxuu ahaa mid dadka la dhaqamo wuxuuna lahaa hanti, wuxuu amri jiray adeegeyaashiisa inay iska dhaafaan qofka culeyska haysta wuxuu yiri: Alle ayaa yiri: annaga ayaa kaga xaqnimo badan, iska dhaafa), Wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – asoo ka hadlaya qaar ka mid ah muuqaallada maalinta qiyaame:

(يَقُولُ اللهُ عَزَّ وَجَلَّ: انْظُرُوا فِي النَّارِ: هَلْ تَلْقَوْنَ مِنْ أَحَدٍ عَمِلَ خَيْرًا قَطُّ؟ قَالَ: فَيَجِدُونَ فِي النَّارِ رَجُلًا، فَيَقُولُ لَهُ: هَلْ عَمِلْتَ خَيْرًا قَطُّ؟ فَيَقُولُ: لَا، غَيْرَ أَنِّي كُنْتُ أُسَامِحُ النَّاسَ فِي الْبَيْعِ ، فَيَقُولُ اللهُ (عَزَّ وَجَلَّ): أَسْمِحُوا لِعَبْدِي كَإِسْمَاحِهِ إِلَى عَبِيدِي)

 (Wuxuu leeyahay Alle – cazza wajalla -: naarta eega ma u jeeddaan qof waligiisa wanaag sameeyay? wuxuu yiri: naarta waxay ka helayaan nin wuxuu ku dhahaa: waligaa khayr ma samaysay? wuxuu dhahaa: maya: laakin dadka ayaan iska saamixi jiray waqtiga beeca, wuxuu dhahaa: Addoonkayga u saamaxa siduu ugu saamixi jiray addoomahayga).

 

Macnaha xadiiska (qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More