Shaydaanka in la habaaro diinta maxay ka qabtaa

Su’aasha:

ASC shaydaanka mala habari kara xadiithka oranayo shaydaanka ha cayina ma saxbaa dabcan aniga ma arag lakin Sheekh ayan ka maqlay shaydaanka in lacayo rasuulka scw aya diiday
Mida shaydaanka waqtiyada aan mashqusanahay muxuu ila egta marka weyso qaadanayo, marka aan suuliga kujiro markan akhrinayo anigoo saalada usocda ayan waxaan akhrinayay laxowla wala quwata ila billah niyadeyda waxaa kuso dhacaday soon 50 Malin hadi Illahi kucafiyo haye wan soomaya ayan iri ma kor ayan uiri OO makuhadlay mise niyada ayad katiri mar waxaan isdaha war duco ayad akhrinaysaye kormad waxaan shegtay marna waxaan is dhaha kor ayad u tiri

Shaydaanka in la habaaro diinta maxay ka qabtaa
Shaydaanka in la habaaro diinta maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Xadiiska aad sheegaysyo waa kanaa:

حديث أبي المليح عن أبيه قال: كنت رديف النبي صلى الله عليه وسلم فعثر بعيري، فقلت: تعس الشيطان. فقال النبي صلى الله عليه وسلم: لا تقل تعس الشيطان فإنه يعظم حتى يصير مثل البيت ويقول: بقوتي صرعته ولكن قل: بسم الله فإنه يصغر حتى يصير مثل الذبابة

xadiiska Abilmaliix oo uu ka wariyay aabbihiisa wuxuu yiri: nabiga (SCW) ayaan la saarnaa ratigayga ayaa kufay waxaan ku iri shaydaanka ha kufo wuxuu yiri nabiga (SCW): ha oran shaydaanka ha kufo markaas wuu weynaanayaa ilaa uu ka noqdo sida guriga oo kale wuxuu oranayaa awooddayda ayaan ku lagdiyay, laakin dheh: bismillaah markaas wuu yaraanayaa ilaa uu ka noqdo sida tixsiga oo kale.

Xadiiska waa saxiix waxaa wariyay Imaam Axmed.

Laakin taas macanaheeda ma aha in ay xaaran tahay kaliya waa laga fiican yahay.

Alle ayaaba horay u lacnaday marka adiga intaad isku mashquulin lahayd caydiisa ku mashquul saad Alle uga magangali lahayd.

Teeda kale adiga waxa ku haya waa waswaaska shaydaanka marka dhowr jeer ayaan kuu sheegay iska illow waxa uu ku farayo shaydaanka oo ah soonka 50-ka maalmood.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More