Aadaabta fariisashada jidadka

Rag badan inay jidka fariistaan ayay faduuliyaan dadka soo mara jidka waxay dhibaan dumarka sidoo kale naagaha ayay jirkooda eegaan.

Diinta islaamka way reebtay faduuliska dadka iyo qashqashaadka socotada.

Xadiis aad u qiima badan ayaa kusoo arooray aadaabta looga baahan yahay dadka jidka fariista.

Aadaabta fariisashada jidadka
Aadaabta fariisashada jidadka

Xadiiska wuxuu sheegay edebta laga rabo qofkii waddada fariista xadiiska waa kan:

(إِيَّاكُمْ وَالْجُلُوسَ في الطُّرُقَاتِ) ، قَالُوا : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، مَا لَنَا بُدٌّ مِنْ مَجَالِسِنَا ، نَتَحَدَّثُ فِيهَا ،  قَالَ رَسُولُ اللَّهِ (صلى الله عليه وسلم) : (فَإِذَا أَبَيْتُمْ إِلاَّ الْمَجْلِسَ فَأَعْطُوا الطَّرِيقَ حَقَّهُ) ، قَالُوا : وَمَا حَقُّهُ ؟ قَالَ : (غَضُّ الْبَصَرِ ، وَكَفُّ الأَذَى ، وَرَدُّ السَّلاَمِ ، وَالأَمْرُ بِالْمَعْرُوفِ وَالنَّهْىُ عَنِ الْمُنْكَرِ)

(Iska jira inaad fariisataan jidadka, waxay dheheen rasuulkii allow kama maarmi karno, waan ku sheekeysanaa, wuxuu yiri rasuulka: (haddii aad diiddeen inaad fariisataan mooyee siiya jidka xaqiisa, waxay dhaheen waa maxay xaqiisa wuxuu yiri 🙁 laabashada aragga, joojinta dhibka, jawaabta salaanta, faridda wanaagga iyo reebidda xumaanta),

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More