Naxariista Alle (SW) iyo ducada aqbalka meelaha laga helo

Naxariista Alle (SW) iyo ducada aqbalka meelaha laga helo

Aduunka waa daar imtixaan dadka way ku kala duwan yihiin awoodda iyo hantida iyo aqoonta.

Dad waa heer sare dhinaca aqoonta dadna waa hoos dad hanti ayaa la siiyay dadna faqri ayaa hayo.

Marka waxaas oo dhan waa imtixaan, qofka Ilaahay uu siiyay hanti waxaa laga rabaa inuu daymo u lahaado dadka saboolka ah oo Ilaahay ku ibtileeyay saboolnimada.

Naxariista Alle (SW) iyo ducada aqbalka meelaha laga helo
Naxariista Alle (SW) iyo ducada aqbalka meelaha laga helo

Lama soo koobi karo nusuusta kusoo aroortay diinta Islaamka oo ku boorrinaysa in la garab istaago dadka saboolka ah ama dadka tabarta yar.

Dadka danyarta marka la garab istaago guul ayaa laga helaa iyo liiban aduun iyo aakhraba. Sidoo kale waxaa laga helaa dadkaas naxariista Alle iyo duco waxaa soo galaya dadka laga helo agtooda naxariista Alle iyo ducada labada waalid.

Nabiga (SCW) wuxuu ku yiri xadiis saxiix ah:

(وهل تُنصرون وتُرزقون إلا بضعفائكم؟!)

(Miyaa laydinku gargaarayaa kuwiina tabarta yar mooyee)

(والله في عون العبد ما كان العبد في عون أخيه)

(Addoonka wuxuu ku sugan yahay gargaarka Alle intuu u gargaarayo walaalkiisa).

Marka waxaa lagaaga baahan yahay inaadan illaawin dadka danta yar, waligaaga inaad garabkooda ahaato, siiba caruurta iyo dumarka iyo dadka waayeelka ah, iyo dadka curyaanka.

  wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(مَا آمَنَ بِي مَنْ بَاتَ شَبْعَانَ وَجَارُهُ جَائِعٌ إِلَى جَنْبِهِ وَهوَ يَعْلَمُ بِهِ)

(Ima rummaynin qofkii bariyo asoo dersikiisa dhiniciisa ku gaajaysan yahay asoo og) wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إنَّ للهِ عندَ أقوامٍ نعمًا أقرَّهَا عندَهُم؛ ما كانوا في حَوائجِ المسلمينَ ما لَم يَمَلُّوهُم، فإذا مَلُّوهُم نقلَها إلى غيرِهِم).

(Alle dad ayuu nimcooyin u sugay intay danaha muslimiinta u fulinayaan intaysan ka daallin, hadday ka daallaan cid kale ayuu u guurinayaa) 

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنَّ مِنْ إِجْلالِ اللَّهِ إِكْرَامَ ذِي الشَّيْبَةِ الْمُسْلِمِ)

(Weyneynta Ilaahay waxaa ka mid ah cirroolaha muslinka in la karaameeyo), dadka da’da ah waxay mudan yihiin in la weyneeyo oo la hormariyo iyo sharfo, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لَيْسَ مِنَا مَنْ لَمْ يَرْحَمْ صَغِيرَنَا، وَيُوَقِّرْ كَبِيرَنَا)

(Naga mid ma aha qofka aan u naxariisanin keena yar oona aan weyneynin keena weyn)
wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

  (يُسَلِّمُ الصَّغِيرُ عَلَى الْكَبِيرِ)،

(kan yar wuxuu salaamaa kan weyn), wuxuu ku leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) qofka kala hormari rabo qofka weyn hadal:

(كَبِّرِ الكُبْرَ)

(weynida weyneey) 

Waxaa kaloo laga helaa naxariista Alle qofka inuu ixsaan u sameeyo labadiisa waalid siiba markay duq noqdaan.  Xaq ay leeyihiin labada waalid iyo baarrinimadooda wax la mid ah ma jiro, Alle (SW) wuxuu na faray inaan baarri u noqono oo aan karaameyno, wuxuu ku leeyahay Alle kitaabkiisa sharafta badan:

{وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا * وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا}.

(Wuxuu faray rabbigaaga inaydaan caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan labada waalid samo falid, hadduu ku gaaro agtaada wayni midkood ama labaduba ha ku dhihin uf, hana canaanan una dheh hadal fiican * Una Raarici (Jilci) Garab Naxariiseed (u Naxariiso) dhehna Eebow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar).  waa kanaa nabigii Alle Yaxye ( nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu ka leeyahay Alle arrinkiisa:

{وَبَرًّا بِوَالِدَيْهِ وَلَمْ يَكُنْ جَبَّارًا عَصِيًّا}،

(iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah), wuxuu ka leeyahay Alle arrinka nabi Ciise (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

{وَبَرًّا بِوَالِدَتِي وَلَمْ يَجْعَلْنِي جَبَّارًا شَقِيًّا}

(wuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun) nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu booqday qabriga hooyadiisa wuu ooyay wuxuuna ka ooysiiyay dadka ag joogay, baarrinimo iyo hilow dartii.  wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(ثَلاثُ دَعَوَاتٍ يُسْتَجَابُ لَهُنَّ لا شَكَّ فِيهِنَّ: دَعْوَةُ الْمَظْلُومِ، وَدَعْوَةُ الْمُسَافِرِ، وَدَعْوَةُ الْوَالِدِ لِوَلَدِهِ)

(seddex duco waa la ajiibayaa shaki kuma jiro: ducada qofka la dulmiyay, ducada musaafirka, ducada waalidka ilmihiisa uu u duceynayo)

 

Forty Hadith of Al-Nawawi in one video translated to Somali

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More