Albaabada khayrka sahlan oo xadiiska lagu sheegay

Waxaa jira waddooyin badan loo mari karo khayrka iyo ajirka, diinta islaamka waa diin aad u sahlan, qofka muslinka siyaabo badan ayuu ku heli karaa wanaag iyo camal suuban iyo ajir. Xadiiskan kaliya haddaad ku dhaqanto wax badan ayaad helaysaa oo ajir ah:

Albaabada khayrka sahlan oo xadiiska lagu sheegay
Albaabada khayrka sahlan oo xadiiska lagu sheegay

 

Waxaa jira albaabo badan oo khayrku leeyahay nabiga SCW ayaa noo sheegay wuxuu yiri:

(إِنَّ أَبْوَابَ الْخَيْرِ لَكَثِيرَةٌ : التَّسْبِيحُ ، وَالتَّحْمِيدُ ، وَالتَّكْبِيرُ ، وَالتَّهْلِيلُ ، وَالْأَمْرُ بِالْمَعْرُوفِ ، وَالنَّهْيُ عَنِ الْمُنْكَرِ ، وَتُمِيطُ الْأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ ، وَتُسْمِعُ الْأَصَمَّ ، وَتَهْدِي الْأَعْمَى ، وَتَدُلُّ الْمُسْتَدِلَّ عَلَى حَاجَتِهِ ، وَتَسْعَى بِشِدَّةِ سَاقَيْكَ مَعَ اللَّهْفَانِ الْمُسْتَغِيثِ ، وَتَحْمِلُ بِشِدَّةِ ذِرَاعَيْكَ مَعَ الضَّعِيفِ ، فَهَذَا كُلُّهُ صَدَقَةٌ مِنْكَ عَلَى نَفْسِكَ)

(Albaabada khayrka way badan yihiin, tasbiixda mahdinta takbiirta, tahliisha, faridda wanaagga, reebidda munkarka, waxaad ka leexinaysaa wadda dhibka, waxaad maqashiinaysaa dhagoolaha, waxaad hanuuninaysaa indhoolaha, kan wax raadinayo ayaad dantiisa tusaysaa, awoodda lugahaaga ayaad ugu soconaysaa si aad u kaalmayso kan dhibban, awoodda dhudhumahaaga ayaad ugu xambaaraysaa kan taagta daran, waxaan oo dhan waa sadaqo naftaada aad ku sadaqaysanayso),xadiiskan waxaa laga qaadanayaa albaabo badan oo khayr ah inay jiraan oo laga heli karo ajar weyn. albaabada khayr qof kaste ayay u furan yihiin,rag iyo dumar, yar iyo weyn.

Waxaa kaloo lagu helaa naxariista in laysu naxariisto wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنَّ الأَشْعَرِيِّينَ إِذَا أَرْمَلُوا فِي الغَزْوِ ، أَوْ قَلَّ طَعَامُ عِيَالِهِمْ بِالْمَدِينَةِ جَمَعُوا مَا كَانَ عِنْدَهُمْ فِي ثَوْبٍ وَاحِدٍ ، ثُمَّ اقْتَسَمُوهُ بَيْنَهُمْ فِي إِنَاءٍ وَاحِدٍ بِالسَّوِيَّةِ ، فَهُمْ مِنِّي وَأَنَا مِنْهُمْ)

(Ashcariyiinta markay xiliga dagaalka hanti waayaan ama cuntada caruurtooda magaalada ku sugan ay yaraato waxay ku soo ururiyaan hal weel waxa ay haystaan, kadib ayay ugu qeybsadaan si isla eg, iyaga way iga mid yihiin anigana iyagaan ka mid ahay).

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(السَّاعِي علَى الأرْمَلَةِ والمِسْكِينِ كالْمُجاهِدِ في سَبيلِ اللَّهِ، أوْ كالَّذِي يَصُومُ النَّهارَ ويقومُ اللَّيْلَ)،

(kan wax u qabta garoobta iyo miskiinka wuxuu la mid yahay qof dar Alle u jihaadaya mise kan maalinta oo dhan soomaan habeenkana taagan)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More