Xaaskayga lacag bay xaddaa maxaan ku sameeyaa

My wife takes the money from my house what i would do? please give advice

Su’aasha:

Waxaan guursaday sannad kahor markaan guursaday labo bilood kaddib waxaan ogaaday xaaskayga inay lacag guriga ka xaddo sidoo kale waxay ka xaddaa hooyadayda iyo walaalahayga dhow jeer ayaan la hadlaya ooaan u caqliceliyay laakin hadalkayga ma qaadanin, iyadoo iga ballanqaadday inaysan u noqonaynin ayay mar kale lacag xadday ila taliya maxaan ku sameeyaa xaaska tuugta ah.

Xaaskayga lacag bay xaddaa maxaan ku sameeyaa
Xaaskayga lacag bay xaddaa maxaan ku sameeyaa

Jawaabta:

Sida la og yahay xatooyada waa dambi weyn oo islaamka uu xarrimay, marka xaaskaaga haddii ay iska joojin waysay waxaa kugu habboon naag noocaas oo kale inaadan qabin  waa inaad iska furtaa.

maxaayeelay waxay xadi doontaa waxyaalo ka waaweyn waxa hadda ay ku kacayso, teeda kale wali ilmo kuuma dhalin waad isku cusub tihiin furriinkeeda waa kuu sahlan yahay, hadday caruur kuu lahaan lahayd ayaa dhibka kasii weynaan lahaa.

teeda kale naag lacag xadayso jirkeeda ayay gadi kartaa hadhow, waxaa laga yaabaa nin inay jirkeeda ka gaddo oo lacag ay ka qaadato, illeen xatooyada waa dambi weynee, qof aan ka baqin dambi weyn inuu ku dhaco kama baqayo inuu mid la eg sameeyo, dumarka dhilooyinka astaamaha lagu garto waa lacag jacaylka oo xadka ka baxsan,  waxay u badan yihiin kuwa lacag jacayl u geeyay xumaantaas,  marka waxaa kugu habboon naagtaas inaad iska furto. xatooyada waa fafalka xitaa aan ku habboonayn naagaha  akhlaaq ahaan marka loo eego ragga,  falkaas marka ay haweenka ku kacayaan waa kasii kasii liitaa marka ay raga sameynayaan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More