Xaaskaaga mudo intee la eg ayey Diinta baneysay inaad ka maqnaato

Su’aasha:

Asc Gabar ayaan in mudo ah wada soconay Ilaa aan Isla dhameysanay Dugsigii Sare anigu waxaan go,aansaday inaan Turkiga Jaamacad u aado gabadhiina kama tagi Karin in badan markaan tashanay waxay igu xujeysay in aan guursado kadibna iska baxo arinkii aniguna wuu ila wanaagsanaaday balse Caqabad diini ah ayaan ka dareemayaa maadaama Afar Sano aan Jaamacad dhiganayo markaa kadibna Laga yaabo in aan Somalia kusoo noqonin DAMBI Akbar ah miyaa ku Sugan Zowjadaada oo aad in badan ka maqnaato ilaa mudo intee ah ayey cayintay Diinta in aad ka maqnaan karto Xaaskaaga.

Xaaskaaga mudo intee la eg ayey Diinta baneysay inaad ka maqnaato
Xaaskaaga mudo intee la eg ayey Diinta baneysay inaad ka maqnaato

Jawaabta:

Naagta hadday xaqqeeda ka tanaasusho oo ay ninkeeda raalli uga tahay inay sugto wax dhib ma laha diin ahaan dambina kaama soo gaarayo, laakin haddii aysan  xaqqeeda ka tanaasulin kama maaqnaan kartid afar bilood wax ka badan, muddadaasna waxaa laga qaatay aaydda dhaarta naagaha laga dhaaranayo in loo galmoodo oo ah oraahda Alle:

(لِّلَّذِينَ يُؤْلُونَ مِن نِّسَائِهِمْ تَرَبُّصُ أَرْبَعَةِ أَشْهُرٍ ۖ فَإِن فَاءُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ * وَإِنْ عَزَمُوا الطَّلَاقَ فَإِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ)

(kuwa ka dhaarta Haweenkooda (tan iyo muddo) waxaa la sugi afar bilood, hadday ka noqdanna Eebe waa dambi dhaafe naxariista * hadday goostaan furidna Eebe waa maqle oge ah)

Sidoo kale sayidinaa Cumar wuxuu u xaddiday ciidamada muslimiinta jihaadka ku maqan inaysan naagahooda ka maqanaanin muddo ka badan afar bilood, Laakin ninka uma fiicna guud ahaan naagtiisa inuu ka fogaado haddaysan keenin duruufo ka xoog badan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More