Waxaan ahay gabar garoob ah waxan ku riyooday wajigayga oo cad

Su’aasha:

Asc waan idin salaamay sallaan kadib sheikh waxaan ahay gabar garoob ah wiil ayaa muda isla soconaa waxaan ku riyooday wiil isla socoto wajigiisa brown zaaid ah aniga wajigeygana sida mandiilka amal u cad oo isla joogno idhahaayo meher ayaa rabtay waana ku mehersaday ee ima soo xiriirin kartid sheikh riyadaas ii fasir jzk.

Waxaan ahay gabar garoob ah waxan ku riyooday wajigayga oo cad
Waxaan ahay gabar garoob ah waxan ku riyooday wajigayga oo cad

Jawaabta:

Riyada wejiga cad waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof daacad ah oo saafi ah aan niyadda xumaan ugu jirin, wejiga aan cadka ahayn oo maariinka ah wuxuu tilmaamayaa arintaas cagsigeeda, riyada waxay u eg tahay in lagaaga digayo inaad nimanka, waxaa lagaa rabaa inaad raga iska ilaaliso waxaa laga yaabaa in lagu siro oo been laguu sheego, dumarka garoobka ah qaladaad ayay ku dhacaan oo la xiriira xagga xiriirka jacaylka beenta ah iska jir.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More