Riyada qof waalan oo mindi kugu qalaya

Su’aasha:

Asc waxay noqon kartaa riyadan qof miskiin oo waalan ayaa I waydiistay biyo kadibna waan siiyey qof ila joogay aya i dhahay maxaa u siisay biyaha waa nin waalanee kadibna waxan ku dhahay maxaan sameeyaahee isaga i waydiistee kadib ninkii wuxuu iska keey dhigayaa inuu isoo celinaayo koobkii aan biyaha ku siiyey lkin mindi ayuu lasoo baxayaa dadkana ma arkayaan kadib qoorta inuu iga qalo ayuu rabaa lkin ilkaha ayey iga aadaysaa oo ilkihii ayaa jiiq ka yeeraysa qeeyladeeyda dadka kusoo kaceen.
Mahadsanid.

Riyada qof waalan oo mindi kugu qalaya
Riyada qof waalan oo mindi kugu qalaya

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa ninkan waalan waa nin si daran kuu jecel laakin kuma guulaysan doono jacaylka uu kuu qabo waxaa laga yaabaa inuu guursado qof qaraabo aad tihiin, guud ahaan mindiada qofka marka uu kugu soo weerarayo waxay tusinaysaa qof si daran kuu jacel waxaana arrintaas adkaynaya waallida ninka.
riyadan waxaa kaloo ay noqon kartaa in dad badan oo cadow aad leedahay oo raba inay dhib kuu gaystaan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More