Tuugsiga iyo shaxaadka diinta maxay ka qabtaa

How to avoid begging and love work

Tuugsiga waa dhaqan aad u liito, diinta islaamka aad bay u reebtay.
Qofka muslinka waxaa la amray inuu shaqeysto oo ka fogaado tuugsiga iyo shaxaadka.
Qofka marka uu u barto dawarsiga lacag kaste uu helo kuma qancayo.
wuxuu rabaa keliya inuu gacanta u hoorsado dadka.

Tuugsiga iyo shaxaadka diinta maxay ka qabtaa
Tuugsiga iyo shaxaadka diinta maxay ka qabtaa

waa cudur xun, tuugsiga ha noqdo midka soomaalida ay ku magacaabaan shaxaad ama midka dawarsiga dadka magan alle yiraahdo qaab kaste uu yahay waa isku mid.
Axaadiis badan ayaa kusoo arroortay oo xaraan ka dhigaysa dawarsiga qofka marka dhibtaao adag ay u geyso mooyee.
bulshada soomaalida waxa sidan u galay waa falkan foosha xun.
caado ayay ka dhigteen, siiba marka la galay yurub qofka asoo shaqo heli karo wuxuu rabaa inuu tuugsasho ku noolaado. xitaa kuwa masaajida furtay waxay u furtay inay tuugsadaan waa qaab aad u daran oo xaaraan lagu cunayo.

Waxaa la sheegaa nin tuugsan jiray ayaa su’aal la weyddiiyay waxaa lagu yiri: haddii aad hesho lacag badan malyuun doolar oo kale maxaad sameyn lahayd?

wuxuu yiri: masjid ayaan ku dhisi lahaa, markaas keligeyga ayaa ku tuugsan lahaa.

waa sidaas qofka markuu u barto dhaqanka xun.

soomaalida kala saaridda ay kala saaraan shaxaadka iyo tuugsashada waxba ma aha ee waa isku mid.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More