Tawakalka iyo iskuhallaynta maxay kala yihiin

Qofka waxaa laga rabaa inuu kasoo baxo wixii waajib dusha ka saaran cadi ahaan, markaas inuu tawalkalka la yimaado.

Tawakalka iyo iskuhallaynta maxay kala yihiin
Tawakalka iyo iskuhallaynta maxay kala yihiin

Tawakalka iyo ku beeriida ama iskuhallaynta farqi weyn ayaa u dhexeeya nusuustan ayaa kuu caddeynayasa;

wuxuu ku yiri kitaabkiisa kariimka ah:

(وَقُلِ اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ وَسَتُرَدُّونَ إِلَى عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ)

(Dheh: camalfala wuu arki doonaa Alle camalkiina iyo rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waxaana la idin celinayaa midka og waxa maqan iyo waxa jooga wuxuuna idin sheegayaa waxaad samayn jirteen).

Ilaahay wuxuu u yeelay koonka sunan iyo qawaaniin xukumaya, iyo qaacidooyin socodsiinaya kan dambeeya kama hormaro kan horreeya, kan horreeyana kama dibmaro kan dambeeya, Alle wuxuu yiri:

{لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ}

(Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho dayaxa habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falaggiisuu dhex dabaalan).

Wuxuu yiri Alle:

{فلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ اللَّهِ تَبْدِيلًا وَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ اللَّهِ تَحْوِيلًا}

(Mana helaysid sunnada Alle wax badala, ma helaysid sunnada Alle wax wareejiya)

Ilaahay wuxuu ka dhigay sunankan miisaan nolosha qaacidooyinkeeda toosinaya, oo dhulkana lagu camiri karo, oona lagu ilaalin karo taas oo ah ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka abuurista, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَاسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا}

(Isagaana idiinka ahaysiiyey dhulka idinkuna camiray dhexdiisa), wuxuu leeyahay allaha weyn:

{وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا}،

(Hana fasaadinina dhulka inta la wanaajiyay kadib).

In lays faro in lagu foofo dhulka lana shaqeysto waa waajib diini ah, iyo waajib sharci iyo wadaniba, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ }

 (Alle waa kan dhulka ka dhigay mid laylan ee ku socda waddooyinkiisa kana cuna quudkiisa kulankana haggiisa ayuu ahaan)

Wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{فَإِذَا قُضِيَتِ الصَّلَاةُ فَانتَشِرُوا فِي الْأَرْضِ وَابْتَغُوا مِن فَضْلِ اللَّهِ وَاذْكُرُوا اللَّهَ كَثِيرًا لَّعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ}

(Markase salaadda la dhammeeyo dhulka ku kala faafa, dalbana (doona) khayrka Alle, Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan).

waa kanaa sayidkeena Nuux – nabadgelyo korkiisa ha haatee – wuxuu ahaa faryaame cimri dheer kaddib markuu dadkiisa ugu yeeray wuxuu amray Ilaahay inuu doon sameeyo, wuxuu yiri Alle:

{وَيَصْنَعُ الْفُلْكَ وَكُلَّمَا مَرَّ عَلَيْهِ مَلأٌ مِنْ قَوْمِهِ سَخِرُوا مِنْهُ قَالَ إِنْ تَسْخَرُوا مِنَّا فَإِنَّا نَسْخَرُ مِنْكُمْ كَمَا تَسْخَرُونَ}

(Wuxuu samaynayay doon mar kasta oo qoomkiisa koox ka mida martana way ku jeesjeesayeen wuxuuna ku dhahayay haddaad nagu jeesjeestaan anaguna waan idinku jeesjeesi saad u jeesjeesaystaan), shaqadiisa ayuu sii waday, Ilaahayna wuxuu ka abaalmariyay, wuxuu badbaadiyay isaga iyo mu’miniinta.

Wuxuu ahaa sayidkeena Daa’uud – nabadgelyo korkiisa ha haatee – birtume, Ilaahay ayaa baray sancadan oo uu ka helayo waxtar isaga iyo dadka, wuxuu yiri Alle:

{وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ مِنَّا فَضْلًا يَا جِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُ وَالطَّيْرَ وَأَلَنَّا لَهُ الْحَدِيدَ * أَنِ اعْمَلْ سَابِغَاتٍ وَقَدِّرْ فِي السَّرْدِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا إِنِّي بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ}

(Dhab ahaan baan u siinay Nabi Daawuud fadli xaganaga ka ah, waxaana niri buurahow la tasbiixsada isagoo shimbiraha la wadaan, waxaana u jilcinay birta * Waxaana ku niri ka samee cambuurbireed sugna tixidda wanaagna fala, waxaad faleeysaanna waan arkaa), wuxuu yiri rasuulkii Alle – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(ما أَكَلَ أَحَدٌ طعامًا قطُّ ، خيراً من أن يأكلَ من عملِ يدِه ، وإنَّ نبيَّ اللهِ داودَ (عليهِ السّلامُ) كان يأكلُ من عملِ يدِه)

(Qof ma cunin waligii cunto oo ka fiican inuu ka cuno shaqada gacantiisa, nabi Daawuud – nabadgelyo korkiisa ha haatee – wuxuu ka cuni jiray shaqada gacantiisa)

Quraanka kariimka wuu noo sheegay arrinkaas asoo kasoo guurinaya nabi Yuusuf – nabadgelyo korkiisa ha haatee -:

{قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا فَمَا حَصَدتُّمْ فَذَرُوهُ فِي سُنبُلِهِ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تَأْكُلُونَ * ثُمَّ يَأْتِي مِن بَعْدِ ذَلِكَ سَبْعٌ شِدَادٌ يَأْكُلْنَ مَا قَدَّمْتُمْ لَهُنَّ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تُحْصِنُونَ * ثُمَّ يَأْتِي مِن بَعْدِ ذَلِكَ عَامٌ فِيهِ يُغَاثُ النَّاسُ وَفِيهِ يَعْصِرُونَ}

(Waxuuna yiri waxaad tacbanaysaan todoba sano oo israacsan ee waxaad goosataan ku daaya sabuulkiisa wax yarood cunaysaan mooyee * markaas waxaa imaan arrintaas ka dib todobo daran oo cuni waxaad hor marsateen wax yar ood kaydsateen mooyee * markaas kadib waxaa imaan sano loo gargaaro dadka oo dhexdeeda ay wax miiran).

Waa tanaa sayida Maryam – nabadgelyo korkiisa ha haatee –  oo uu ugu imaan jiray risqiga waasaca ah qaab uu la yaabay nabi Zakariya – nabadgelyo korkiisa ha haatee – wuxuu ku yiri sida Quraanka kariimka noo sheegay:

{كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا الْمِحْرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزْقًا قَالَ يَا مَرْيَمُ أَنَّى لَكِ هَذَا قَالَتْ هُوَ مِنْ عِندِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَرْزُقُ مَن يَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ}

(Markastoo Zakariye ugu galana mixraabka (qolka) wuxuu ka helaa agteeda rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryamoy kan, waxayna dhahdaa wuxuu ka yimid Alle agtiisa, Allana wuxuu u arzaaqaa cidduu doono xisaab la’aan).

haddii Alle uu dooni lahaa inuu usoo daato iyadoon wax samaynin wuu samayn lahaa, laakin wuxuu na barayaa in sababa la qaato dadaalna la bxiyo, wuxuu yiri Alle:

{وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا}

(Una gilgil xaggaaga jirridda timirta ha kugu soo riddo timir (curdan ah) oo fiican).

wuxuu leeyahay rasuulka:

(لَوْ أَنَّكُمْ تَتَوَكَّلُونَ عَلَى اللهِ حَقَّ تَوَكُّلِهِ ، لَرَزَقَكُمْ كَمَا يَرْزُقُ الطَّيْرَ ، تَغْدُو خِمَاصًا وَتَرُوحُ بِطَانًا)

 (Haddaad u talasaaran lahaydeen Alle si dhab ah wuxuu idin arsaaqi lahaa siduu u arsaaqo shinbirta, waxay kalahaysaa iyadoo gaajaysan waxayna noqonaysaa iyadoo dhergan).

nin ayaa yiri: rasuulkii Allow ma sii deeyaa hashayda oo ma talasaartaa? mise waan dabraa kaddibna aan talasaartaa? wuxuu yiri rasuulka:

(اعْقِلْهَا وَتَوَكَّلْ)

 (dabar oo talasaaro),

hadduu sii deyn lahaa wax baa ku dhici karay marka waxaa lagaa rabaa inaad la timaaddo sababka markaas aad Alle talasaarato

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More