Shaqada xaaraanta ah intey ku geyn kartaa

Xalaasha in la quuto ma aha wax caadi iska ah waa wax waajib ah, qofka waxaa laga rabaa inuu cuno xoolo xalaal ah sidoo kale inuu ka dhigo shaqadiisa mid xalaal ah.

Maxaayeelay haddii aad cunto xoolo xaaraan ah ducadaada lama aqbalayo maalinta aakhirana naar ayaa laga yaabaa in Ilaahay ku galiyo.

Shaqada xaaraanta ah intey ku geyn kartaa
Shaqada xaaraanta ah intey ku geyn kartaa

Shaqada xaaraanta ah wixii laga helo waa xaaraan tusaale ahaan qofka iibinaya khamri ama hilib doofaar ama naag jirkeeda iibinayso wixii ay ka helaan oo hanti ah waa xaaraan.

Naagta dhilada waxa ay ka hesho shaqada dhilaysiga sidoo kale ninka saaxirka wuxuu ka helo sixirka waa maal xaaraan ah.

Qofka raba inuu noqdo qof camalkiisa laga aqbalayo waa inuu cunaa xoolo xalaal ah waa inuu ka fogaadaa xaaraanta iyo xatooyada qofka tuugga xoolihiisa waa xaaraan wuxuu ku keeno tuugnimada waa xaaraan.

Rasuulka (SCW) wuxuu yiri :

(إِنَّ اللَّهَ طِيبٌ يُحِبُّ الطِّيبَ ، نَظِيفٌ يُحِبُّ النَّظَافَةَ )

(Ilaahay waa wanaagsan yahay wuxuuna jecel yahay wanaagga, waa nadiif nadaafaddana wuu jecel yahay…)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More