Gabar ku riyootay wiil ay garanayso asoo u galmoonaya

Su’aasha:

gabar haday riyo ku argto iyadoo wiil ay garanayso oo xaafada la degan galmo la samaynyo galmada uu la samaynayo way daremaysaa cabsi iyo xanuun isaga ma harayo waxayna u jeeda geediisa oo aad u weyn riyada nocas maxay noqon kara gabadha mysan biyabixin.

Gabar ku riyootay wiil ay garanayso asoo u galmoonaya
Gabar ku riyootay wiil ay garanayso asoo u galmoonaya

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa gabadha riyada aragtay in guurkeeda soo dhow yahay oo ay heli doonto nin magac leh oo caan ah, taas waxaa laga qaadanayaa geedkiisa weynida uu weyn yahay, geedka ninka marka riyo lagu arko wuxuu tilmaamayaa qofka magaciisa iyo sharftiisa, markuu weyn yahay ama uu dheer yahay waa nin magac iyo muuno lahaanayo galmadana waa waxtar naagta ay ninka ka helayso.

Cabsida iyo xanuunka waxaa lagu fasiri karaa habeenka aqalgalka oo gabadha ka xanuunsanayso galmada ugu horeysa.

Maadaama aysan dhab u biyabixin riyada fasir ayay leedahay laakin hadday biyo isku aragto riyada kadib waa riyo janaabo shaydaankaa sabab u ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More