Riyada gaadhi qaaliya iyo shandad dollar iyo eedaanka salaada

Su’aasha:

Asc ciid Mubarak kuli caam wa’antum bilkhayr
Waxaan ku riyooday anoo gaadhi aad u qurux badan oo land cruiser ah oo cadaana wata
Waxaan Kusocday xaga suuqa waxaan siimaray meherad igu lahayd lacag waxaan siiyay lacagtay igu lahayeen waxaan sitay shandad lacagoo buuxda waxaa yaabay markaan lacagta kasoo saarayay boorsada yacnii badnideeda aadba waan u faraxsanaa
Waxaa I jooji say gabadh suuqa meher ku haysata oo igu tidhi maxamadow waan istasgay Haddad suuqiii tagayso ii siiqaad wiilkan waan u qaaday
Waliba gabadhan dhawriyo Ayan ku arkay ood ii fasirtay mana aqaano sababtanriyada ugu arko
Tii jacaylka ii qiranaysay iyo tii safarka ayay ahayd
Markaan soo noqday waxaa ba LA adimay salaadii casar waan maqlayay ka bacdina dhabaaba loo adimay salaadii casaroo waan too toosay shalay Bay ahayd oo waan soomanaa
Allah mahadleh.

Riyada gaadhi qaaliya iyo shandad dollar iyo eedaanka salaada
Riyada gaadhi qaaliya iyo shandad dollar iyo eedaanka salaada

Jawaabta:

Ciid mubaarka كل عام وأنت بخير  .

Riyada waxay tilmaamaysaa riyooyinka aan kuu fasiray badankooda waxa ay tilmaamaan, waa nolol fiican iyo mustaqbal guur aad guursanayso gabar aad ka helayso inaad nolol la wadaagto sidoo kale hanti badan ood gacanta ku dhigto.
Aadaanka salaadda casir wuxuu adkeynayaa riyada inay sidaa tahay maxaayeelay aadaanka waxaa ku jiro ereyga liibaanta iyo khayrka  حي على الفلاح marka riyada waa bishaaro fiican, waliba waxaa kaa dhamaanaya dhibka iyo fikirka ku haystay waxaad helaysaa wixii aad raadinaysay inshaa Allaah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More