Sababaha keenaya Farmaajo inuu doorashada 2022 ku guuleysto

Siyaasadda dunida waxay ku dhisan tahay maslaxad iyo fikir diini qarsoon, dowladaha reer galbeedka oo gumeystay dalal badan waxay ku dhisan yihiin fikir diini oo ah in lala dagaallamo diinta islaamka iyo in la faafiyo wax kaste diinta islaamka kasoo horjeeda, waxayna sheegtaan inay yihiin calmaaniyiin oo aan diin shaqo ku lahayn, laakin markaad eegto calamada dowladaha reer galbeedka badankooda waxay ku sawiran saliibka oo astaan u ah diinta kirishtaanka.

Sababaha keenaya Farmaajo inuu doorashada 2022 ku guuleysto
Sababaha keenaya Farmaajo inuu doorashada 2022 ku guuleysto

Waagii hore gumeysi toos ayaa jiray kaasoo ah in dalalka  inay gumeystaan dalalka qaar oo ay xoog ku soo galaan.

Soomaali markaan ka hadalno sedex dal ayaa gumeysi kusoo galay waxay kala yihiin Ingiriiska iyo Faransiiska iyo Taliyaaniga, marka ay wadanka ka tageen waxay dhaafeen dad gibilmadow ah oo iyaga u shaqeeya.

Soomaali marka xornimada ay qaadatay ilaa lagasoo gaaro 1969-kii waxay iska ahayd dowlad soo kobcaysa iyadoon soo kobcin ayaa gumeysiga keenay Maxamed Siyaad Barre oo matalayay gumeysiga laakin wuxuu la yimid waxyaalo muujinaya qarannimo iyo been oo lagu habaabinayay shacabka soomaaliyeed, Siyaad Barre si toos ah ayuu u fuliyay waxyaalaha gumeysiga ay ka rabeen dadka soomaaliyeed wuxuu u keenay dalka nidaam shuuci wuxuu faafiyay fikirka ilxaadka wuxuu la dagaallamay diinta islaamka ilaa uu beeniyo aayado quraanka ka mid ah wuxuu u dilay arrintaas darteed 11 culimo sanadka markuu ahaa 1975-kii, taariikhda way caddahay qof diidi karo ma jiro, qofkii aqoon leh dib buu u eegi karaa taariikhda Siyaad Barre.

Markii uu dhacay Siyaad Barre soomaalida waxay galeen dagaal  sokeeye oo ku dhisan qabyaalad waxaas oo dhan wuu qarshaysnaa gumeysiga ayaana ka dambeeyay, madaxdii timid Siyaad Barre kadib beesha caalamka ma aysan qiimaynin ilaa laga soo gaaro Farmaajo.

Farmaajo markuu yimid sheekada way isbadashay beesha caalamka waxay bilaabeen soomaali inay aad u qiimeeyaan, xataa Farmaajo asoo muddo ku darsaday lama dhaleeceynin, balse sumcad fiican ayaa loo sameeyay waxaa loo abaabulay kooxo badan oo difaacaya waxay ku faafsan yihiin baraha bulshada meelo badanna dunida way ka joogaan, qofkii Farmaajo wax ka sheego wuxuu cadow ku yahay qaranka soomaaliyeed, Farmaajo waxaa laga dhigay halyey, run ahaantii markaad fiiriso Farmaajo madaxda isaga ka horreysay wax uu ka fiican yahay lama arko bal waxaa la dhihi karaa isagaa ka been badan oo ku fashilmay waxyaalo badan uu dadka soomaaliyeed u ballanqaaday.
Marka soomaali waa inay ogaadaan qofka ay beesha caalamku rabto waa Farmaajo, dowladda Qatar ayaan mas’uul ka aha in Farmaajo la doorto lacagta la siin lahaana dadka way diyaarsan yahay, qof kaste xildhibaan ah meesha qabiil buu ku yimid lacagna wuu u yimid marka qofka wax badan bixin karo kaliya ayaa la dooranayaa, qofkii mucaarad kulul noqdana waa laysku qarxinayaa, maxaayeelay kooxda Alshabaab carabta ayaa maamusha waxaana loogu talaggalay in umadda lagu gumeysto ee wax diin ay meesha ku hayaan lama arko, waxay khilaafsan yihiin diinta islaamka gabi ahaanba falalkooda ayaa daliil u ah inaysan islaam haysanin oo ay shaqeeyaan sirdoonka caalamiga.
Marka kursiga waxaa iska leh Farmaajo, – haddii Alle arrinka wax ka baddalo mooyee -,  Farmaajana waa ninka kaliya fulin kara beesha caalamka waxa ay ka rabto dadka soomaaliyeed, maxaayeelay fikirka Siyaad Barre ayuu xambaarsan yahay, hadduu ku guuleysto talada mar labaad, dalka gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa waxaa la arki doonaa mar kaste doorasho la qabto inuu Faraamo ku guuleysan doono ilaa uu ka dhinto ama sidii Siyaad Barre oo kale loo tuuro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More