Farmaajo doorashada 2022 muxuu ugu guulaysan waayay

Farmaajo doorashada 2022 muxuu ugu guulaysan waayay

Siyaasadda Soomaaliyeed ma sahlana waa dal cadow badan leh waxaa ugu daran cadow wadani iska dhigaya in laguu adeegsado.

Farmaajo doorashada 2022 muxuu ugu guulaysan waayay
Farmaajo doorashada 2022 muxuu ugu guulaysan waayay

Wax kaste way qoran yihiin xukunkana Ilaahay baa bixiyo, wuxuu yiri Alle:

(قُلِ اللَّهُمَّ مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَن تَشَاءُ وَتَنزِعُ الْمُلْكَ مِمَّن تَشَاءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَاءُ ۖ بِيَدِكَ الْخَيْرُ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ ‎)

(Waxaad dhahdaa Eebow adaa hanta Xukunka waxaad siisaa Xukunka Ciddaad doonto waxaad ka siibtaa «Wareejisaa» Xukunka Ciddaad doonto waxaadna cisaysaa Ciddaad doonto waxaadna Dulaysaa Ciddaad doonto adaana Hanta Khayrka, adaana wax kasta kara).

Laakin waxaa jira sababo uu Ilaahay ku xiray guusha iyo khasaarada, markaan soo koobno Farmaajo sababaha uu ku dhacay waa kuwan.
1- Beenta, Farmaajo waa qof been badan oo hadalladiisa is burinaya, taasna cid kaste way la socotaa ee ma aha wax dadka ka qarsoon, waxaa kugu filan kaliya inaad u laabato muuqallada shanta sano ee uu madaxweynaha ahaa.
2- Farmaajo waa qof cudurka qabyaaladda qaba, waliba wuxuu qalbigiisa u galay sida tiibishada oo kale, qofka caqli iyo aqoon leh wuxuu ka dareemayaa hadalladiisa, wuxuu muujin jiray inuusan xukumi karin soomaali qof aan reerkiisa ahayn.
3- Farmaajo nolol ahaan waa qof faashil ah, markuu ku noolaa Maraykanka wuxuu ahaa qof fadhikudirir oo aad u taageero Siyaad Barre oo neceb Soomaalida kale aan ahayn reerkiisa.

4- Wuxuu ku fashilmay Farmaajo talada dalka inta uu madaxweyne ahaa, waxaa aad u batay dilka iyo qaraxa iyo shirqoollada walib qaar loo malaynayo in isaga uu ka dambeeyay, waa in la sameeyaa baaritaan.

5- Farmaajo wuxuu sameystay CBB oo lacag badan sidaas ku qaata oo faafiya been si looga dhigo shacabka soomaliyeed inay Farmaajo jecel yihiin.

6- Farmaajo waa qof aan hadli karin oo naftiisa aan ku kalsooneyn, sidoo kale aad uga fog quraanka iyo sunnada nabiga (SCW), afkiisa xataa masoo marsiin karo xamdiga iyo salliga nabiga (SCW), ma arkaysid asoo aayad quraan ah soo daliilsanayo ama xadiiska nabiga (SCW) waayo ciyaal suuq buu ahaa.

Gef weyn ayuu galay baarlamaankii Farmaajo soo doortay 2017-kii, laakin nasiib wanaag gefkaas maanta ayaa la saxay, mana aha in gefkaas mid la mid ah mar kale inuu soo laabto, Farmaajo wuxuu wasakheeyay taariikhda dalka, wuxuu ku dhawaaday galiyo soomaaliya dagaal sokeeye.

 

Sawirada talawareejinta Farmaajo iyo Xasan Sheekh

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More