Farmaajo hadii markale dib loo doorto waxa dhacaya eeg

Su’aasha:

Madaxweynaha Qaranka mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo shacabka Soomaaliyeed waxay si guud ula socdaan Hormarada uu dalka gaarsiiyey waa madaxweynaha kaliya ee shisheeye aan amar ka qaadan ee mucaaradka qaran dumiska siyaasad kaga adkaaday sxb sow laysma dhihi karo farmaajo Qarankaan qofaan isaga ahayn ma hogaamin karo maadaama adiguba aad aragtay guulaha is daba jooga uu dalku gaaray.

Farmaajo hadii markale dib loo doorto waxa dhacaya eeg
Farmaajo hadii markale dib loo doorto waxa dhacaya eeg

Jawaabta:

Waxaan kuu sheegayaa Farmaajo wax uu kaga duwan yahay Xasan Sheekh Maxmuud ma jiro, laakin waxaan ku ogeysiinayaa Farmaajo afarta sano lasoo dhaafay inuu ka liitay siyaasad ahaan Xasan Sheekh, waxyaalaha aad leedahay oo ah  Farmaajo shisheeye amar kama qaato taas waa dhalanteed, dadka Farmaajo keenay waa shisheeyaha oo dalka gacanta ku haya, waliba shisheeyaha waxay ka helaan qofka iyaga u adeego, sidaa awgeed Farmaajo si sharci darro iyagaa ugu haya Villa Somalia, waxay og yihiin haddii doorasho sax ay dhacdo in Farmaajo uu ku khasaarayo sidaa awgeed qaabkan ayuu waqtiga ku dhuminayaa, waxaa gadaal ka taagan shisheeyaha aad sheegtay inuusan ka amar qaadanin, waxaa kaloo aan kuu sheegayaa qof kaste carab ah ama afrikaan ah in laga dambeeyo oo amar lasoo siiyay si uu dadkiisa ugu cayaaro waa shaqaale cid kale u shaqeeya, Farmaajo waxaa u sii dheer isagaaba shisheeye soomaaliyeed ah oo Maraykanka lagu soo barbaariyay si dalkan looga dhigo dal dhaqanka ka lumay, Farmaajo waligaa ma aragtay asoo aayad quraan akhrinayo?!

Waxaan dareemayaa inaad tahay dadka Farmaajo shaqada u hayo oo ka mid ah ciidanka baraha bulshada isaga u adeego si ay u faafiyaan waxyaalo been ah si loo naashnaasho Farmaajo oo meel kaste ceebtiisa ay tuuran tahay loo ceeb asturo.

Waxaan kuu sheegayaa beesha caalamka qofka ay rabto waa Farmaajo maxaayeelay way og yihiin waxa uu yahay waxayna u badan tahay in isaga laga dhigi doono madaxweyne mar kale, dadka kale oo madaxtinnimada rabana lacag baa la siin doonaa si ay u aamusaan waxaa kaloo dhab ah iyagana dal shaqo ka galin lacagtaas ayay u joogaan meesha,  haddii lacag fiican loo laabo way ka tanaasulayaan talaraadiska, siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa sidaas ah, qof kaste wuxuu u doonayaa inuu madax noqdo si lacag uu u helo, laakin Farmaajo shisheeyaha ayaa wata si uu u fuliyo ajindada loo xariiqay isaga kaliya ayaana fulin kara, taasna waxaa wakiil ka ah dowladda Qadar, maxaayeelay talada waxaa loo soo celiyay dadka lays leeyahay Diinta ayay ka fog yihiin, ma illowday Famaajo adeerkiisa Siyaad Barre inuu beeniyay quraanka kariimka gaar ahaan aayadaha dhaxalka oo uu simay nin iyo naag !? oo culimo sidaas uu ku laayay sanadkii 1975-kii  mise taariikhdaas ma garanaysid, marka waxaan ku dhihi lahaa haddii aad tahay qof xaqiiqada raadinaya oo dadkiisa iyo dalkiisa jecel dib u fikir, haddii aad tahay qof shaqaale u ah Farmaajo waxaad ogaataa in maalin maalmaha ka mid xaqqa uu guulaysan doono Farmaajana ugu dambeyntii Siyaad Barre meeshuu maray buu marayaa.

Daawo muuqaalkan oo daliil cad ah Farmaajo inuu fashilmay:

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More