Yaa ugu fursad badan inuu madaxweyne noqdo musharraxiinta

Doorashooyinka hadda la filayo inay dhacaan 15- bishan aan ku jirno, waxaa guulaysanaya qofkii lacag badan laga bixiyo, waxayna ku xiran tahay dowladda wadato qofkaas musharraxa ah, illeen mid kaste dowlad buu shaqaale u yahayee.

Yaa ugu fursad badan inuu madaxweyne noqdo musharraxiinta
Yaa ugu fursad badan inuu madaxweyne noqdo musharraxiinta

Xildhibaan kaste wuxuu baarlamaanka usoo galay inuu lacag helo, qaab kaste uu ku helayo diyaar buu u yahay inuu ku dhaqaaqo, sow ma aadan arkin dad badan oo dowladda soomaaliyeed jago ka hayo oo raadiya dad ay leen ku dhoofiyaan? qof  inuu ka dhoofiyo dad dalka oo yurub galiyo lacag ku raadinaya ka warran haddii codkiisa laga siiyo lacag uusan ku riyoonin waligiisa?!, tusaale ahaan 100 kun $ oo kale iyo lacag ka badan?

Marka Farmaajo iyo Xasan Sheekh iyo Shariif Axmed yo Saciid Deni ayaa la dhihi karaa waa dadka ugu fursadaha badan in la doorto, marka waxay ku xiran tahay dowladaha ay ka kala socdaan sidii ay wax u bixiyaan baarlamaankana waa suuq wax lagu kala iibsado marka inshaa Allaah waa la arki doonaa ciddii iibsan doonto xildhibaannada raqiiska ah.

Soomaali waa dal horay loo qasay wayna adag tahay in la toosiyo dhismaha dowladda soomaaliyeed, haddii siyaasadda caalamka ay isbaddasho mooyee oo qaabka hadda ay tahay wax laga baddalo, taasna waxay ku xiran tahay dagaallada waaweyn imaan karo oo hadda qaar ay ka bilowdeen meelaha qaar, qaarna ay ka bilaaban doonaan meelo kale.

Sidaas waxaan u leyahay reer galbeedka uma oggola dowlad inay helaan shacabka soomaaliyeed, maxaayeelay haddii dowlad xoog leh ay ka dhalato dalka, dowladdaas bariga Afrika oo dhan gacanta ayay ku dhigaysaa, soomaalida Kenya iyo Kuwa itoobiya iyagaaba si toos ugu soo biirayan somaliweyn.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More