Galmada foorarka iyo gudniinka fircooniga

Galmada foorarka iyo gudniinka fircooniga

Su’aasha:

Waxaan maqlay gudniinka fircooniga inuu hablaha dhib weyn u geysto siiba xiliga dhiiga caadada iyo xiliga dhalmada, waxaa su’aal iga ah wasmada foorarka dumarka fircooniga xanuun miyay u keenteen teeda kale aariyo ama neef dhuuso oo kale miyaa ka timaada naagaha u gudun fircooniga.

Galmada foorarka iyo gudniinka fircooniga
Galmada foorarka iyo gudniinka fircooniga

Jawaabta:

Sida la og yahay gudniinka fircooniga waa gudniin dhib weyn u keenaya gabadha  waayo waxaa laga jarjarayaa xubnaha dareenka u keeni lahaa sida kintirka iyo faruuraha yaryar iyo kuwa waaweynba.

teeda kale meesha ayaa la tolayaa waxaa dhici karta qaab xun in loo tolo.

middaas muddo kaddib waxay keenaysaa hawwenayda inay meesha ka dareeto xanuun marka la taabto, waayo marka la tolayay ayaa maqaarka laysku soo jiiday maraas baa laysku cadaadiyay.

marka naagta fircooniga ah xataa hadday dareen mleedahay dhibaato ayay kala kulmaysaa xaga raaxada.

Galmada foorarka waa laga yaabaa inay xanuun u keento siiba marka uu geedka ninka jug siiyo meesha la tolay oo isku dhegan.

teeda kale aariyada ka timaada siilka xiliga galmada foorarka taas kuma xirna gudniinka fircooniga.

taas waxay u noqonaysaa waxyaalo kale oo ay ka mid yihiin dhalmada iyo jilcanaanta naagta siiba siilka jilicsan oo aan hilib gudaha ka lahayn, waxaa ka gasha neef ama hawo markaas ayuu soo celiyaa cod ama dhawaaq aad mooddo sida dhuusada oo kale, laakin taas wax dhib ma laha inkastoo dumarka qaar ay aad uga xishoodaan marka ay ninkooda la raaxaysanayaan.

ninka waxaa laga rabaa inuu sidaa ogaado ma aha xaaskiisa inuu niyadda ka dilo.

Xadiis ayaa kusoo arooray galmada foorarka waana kan:

كَانَتِ اليَهُودُ تَقُولُ: إذَا جَامعهَا مِن ورَائِهَا جَاءَ الوَلَدُ أحْوَلَ، فَنَزَلَتْ: (نِسَاؤُكُمْ حَرْثٌ لَكُمْ فَأْتُوا حَرْثَكُمْ أَنَّى شِئْتُمْ))  رواه البخاري

(Yahuuda waxay dhihi jireen hadduu ninka  naagtiisa gadaal kasoo maro (asoo farjiga galinaya) ilmaha waxay imaanayaan iyagoo weershe ah, waxaa soo degtay (Naagihiin waa beerihiina saad rabtaan ugu taga))

Xadiis Yaa ku soo arooray gudniinka suniga oo ah:

 

(أن امرأةً كانت تَخْتِنُ بالمدينةِ فقال لها النبيُّ صلى الله عليه وسلم: لا تُنْهِكي فإن ذلك أحظَى للمرأةِ وأحبُّ إلى البعلِ).

 

(Haweeney ayaa Madiina ku gudi jirtay (gabdhaha) wuxuu ku yiri rasuulka (SCW): Ha ku xeeldheeraanin (gooynta) taas ayaa naagta u roon ninkeedana ugu jecel yahay)

Waxaa wariyay Abuu Daawuud

 

Neefta yeerta xubinta dumarka kasoo baxdo maxaa keeno

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More