Riyada qof safar ku jira dood iyo dagaal kadib gaarigii ka tagayo

Su’aasha:

Asc Daruur.com, waxaan kuriyooday anigoo safar galaya, boorsadaydii ayaan soo xidhxidhay waxanan imid shirkadii baabuurta laga raacayay tigidhkii ayaan goostay kadib gaadhiga ayaan fuulay waana wakhti habeenimo ah, gaadhigii markuu magaalada kabaxay ayuu jiidhay neef xoolo ah ,waxyar kadib dadkiu neefka lahaa aya nagusoo xoomay waan soo dagnay kadib dirwalkii iyo nin kamid ah kuwii neefka lahaa ayaa aad u Murmay, kadib waxan ku fikiray intay murmayaan miyaad iskayara dhaqaaqdid banaanka ayaan ubaxay waqti yar kadib ayaan soo laabtay waxaanan arkay gaadhigii oo tagay, waan Welwelay waliba aad waayo alaabo ii muhiim ahaa ayuu igala tagay, kadib taleefanno ayaan dirsaday ugu danbayn waxaa la iisheegay alaabtii in la ii hayo, riyadaydaa iiga Fatwooda hadii aad tihiin kuwo riyooyinka cabbira.

Riyada qof safar ku jira dood iyo dagaal kadib gaarigii ka tagayo
Riyada qof safar ku jira dood iyo dagaal kadib gaarigii ka tagayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaag gali doonto dhibaatooyin adag iyo duruufo xun, duruufahaas waxay noqon karaan wax la xiriiro shaqada ama waxbarashada ama xiriirka bulshada, laakin ugu dambaybtii Ilaahay waa kaa badbaadin doonaa dhibkaas iyo duruufahaas aad ku dhacday, teeda kale mararka qaar riyada waxaa laguu tusinayaa in lagaaga digo waxa kugu soo wajahan, marka intaad awooddo iska ilaali wixii dhib aad kala kulmi karto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More