Riyada qof nebi Muxumed SCW caayey oo aan doonaayey in aan dilo

Su’aasha:

ASC,
Xalay waan ku riyooday anoo doonaaya in aan dilo nin caayey nebigeena suuban SCW. Riyada dhexdeeda ayaa waxaa iga soo hor baxay anoo meel maraaya koox rag ah oo uu ku jiro mid budhwayn sita, ninkaa budhka wayn sitaa wuxuu afla-gaado u gaysanaayey nabigeena suuban Muxumed SCW. Dabadeed intaan xoog u xanaaqay ayaan ku soo orday ninka nabiga caayaaya ee budhka sita si aan u dilo, anigu markaa wax faralaab ah ma sito laakiin asagu budh ayuu sitaa aad u dhumuc wayn laakiin anigu xataa budhka uu sito kama baqanaayo ee waxaa ii cad sidii aan u dili laahaa ninka nabigeena caayey SCW. Waan ku soo orday wuuna iga cararay ana waar eryaday laakiin waan gaadhi waayey, nimankii ayaan dib ugu soo laabtay uu la socday waxaanan ku idhi waar maxaad u dili waydeen ninka idinla socday ee nabiga caayey? wax jawaab ah oo ay imay siinin markaa laakiin waxaan hortooda uga dhaartay in aan ninkaa dili doono marka dambe ee aan indhaha ka qaado ninkaa nebiga aflagaadeeyey. Waxay i waydiiyeen oo markaad disho aakhira xagee qabanaysaa, waxaan ku idhi aniga iyo asagu nebiga hortiisa ayaan isla tagi doonaa waxaanan nabiga u sheegayaa sababta aan u dilay inuu nabi allow ninkaasi ku caayey.

Riyada qof nebi Muxumed SCW caayey oo aan doonaayey in aan dilo
Riyada qof nebi Muxumed SCW caayey oo aan doonaayey in aan dilo

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof difaacaya diinta islaamka oo nabi Muxamed (SCW) lagu soo dejiyay, waa riyo kuu bishaaraynaysa inaad noqon doonto qof faafinta diinta islaamka u taagan oo heli doono darajo sare adduun iyo aakhiraba, waa riyo aad u fiican oo aan la heli karin, waxay u dhow dahay adigoo nabiga (SCW) riyo ku arkay oo diintiisa difaacaya.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More