Riyada kabaha quruxda badan

Su’aasha:

ASC gudomiye : waxaan Ku riyooday anigoo gaari Kula dhexjira nin aan garanayn wato _ ninkaas waxa uu xirnaa kobo u ek kobaha Nike laakiin Ka Duwan oo qurux badan oo lugaha laga dhex arkaayo oo kalarkoodo yahay orange lakin Ka ah hoos normal sida kobaha Nike oo kale cadi waxan marka waxaan Ka qoranaayay oon fiirinaayay magaca kobaha meel ayaan Ku qoranaayay magac ayay Ka boobnaay 3 laba Ayan qoray Somalia ma ahayn ma xasuuto lkaiin magacii ugu dambeeyay Ayan arki waayay oo ninkas Wu Yara mashqulsana qofkale ayu la hadlaayay oo gariga dhinaciisa taagan oo asigaa markiiba igu yiri qoro magaca ugu dambeya waa Ahmed waa Ahmed ahmeddaas Ayan Ka xasuustaa.

Riyada kabaha quruxda badan
Riyada kabaha quruxda badan

Jawaabta:

WCS saaxiib waan kaa qaaday salaanta.

Riyada waxay tilmaamaysaa safar oo lacag laga helayo kabaha quruxda badan waa safar lacag ama faa’ido wata, magaca aad qoranayso oo lagu leeyahay waa axmad wuxuu tilmaamayaa nimcada Alle aad heli doonto waayo Axmed wuxuu ka yimid xamdi xamdigana waa mahad iyo shukri, kabaha waxaa kaloo ay noqon karaan astaan guur iyo isbadalka nolosha, magaca ugu dambeeya wuxuu astaan u yahay safarka ama guurka inay mahad ugu dambeynayso, ciribtiisa kii lagu mahdiyo ayuu noqonayaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More