Riyada kaadida dumarka oo qofka soo gaaraysa

Su’aasha:

Asc walaal waxan ku weydin lahaa xalay ban ku riyoday anigoo ogaaday inay kaadi madaxa iyo jirka iga haloowday ama biyaha an ku qubeysanayey kaadi ku daray anigana aan dib ka soo ogaaday. Waliba halmar kaadida igama darin biyaha ee marar badan ayuu igu sameeyey qofkas qof dumar buu ahaa oo qof weyn aheyn , maxay noqon kartaa riyadaan?

Riyada kaadida dumarka oo qofka soo gaaraysa
Riyada kaadida dumarka oo qofka soo gaaraysa

Jawaabta:

Riyadan waxay noqon kartaa naagtaas iyo adiga inuu idin dhexmari doono xiriir guur ehelkaaga iyo ehelkeeda ayaa xiriir guur dhexmari doono, kaadida waxaa kaloo lagu fasiraa dhalmada caruurta maxaa yeelay meesha ay soo marto kaadida guud ahaan waa meesha ay ilmaha soo maraan.
Qof hadduu ku riyoodo qof kale siiba markuu yahay qofka riyada arkay nin kan kalena qof dumar ah kaadidaas guur iyo iyo dhalmo ayay noqonaysaa.
guud ahaan riyada kadida ma xuma.

Wuxuu yiri Alnaabulisi oo ka mid ah culimada riyada fasirkeeda ku dheereeya:

 

(من رأى كأنَّه يتبول في وعاء أو قارورة أو طشت أو جرَّة وما شابه فإنّه ينكح امرأة)

(Qofkii arko sida asoo weel ku kaadinaya ama dhalo ama baaf ama aashuun iwm. wuxuu guursanayaa haweeney).

Marka waad arkaysaa kaadida iyo guurka xiriirka ka dhexeeya, marka waxaa dhici karto gabadhha aad ku riyootay in ay kaadideeda kusoo gaarayso waxaa laga yaa qof ciddiina ama reerkiina inuu guursado oo ay ilmo u dhasho.

  Waxaan ku riyooday anoo kaadi badan iga socoto 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More