Riyada imtaxaanka Quraanka kariimka

Su’aasha:

asc wr wb walaal waxaan ku riyoodey anigo quraanka la igu imtixaani rabo lkn qof ayaa dhinac taagan qof kalena imtixaanki ayuu sualo igu weydinaya qofka suaalaha iweydiin rabo maka muuqato sunada oo waa qof iska caadi ah surwal iyo shaar buu wataa qofka kale dhinac taagan oo wuxu taaganyahey meel minbar oo kale aniga indhahega aya isku dhagey oo waan kala furi wayey ninka mesha minbarka oo kale taagan wuxu wata khamiis gar inu lahaa ayan jeclahey ninki ayan waxaan kudhahey nabi muxamadoow ilaahey ibari indhahega inu iikala furmo si aan shaydhanka isaga buriyo qofkaan aan leeyahey nabi muxamadoow waxaan ogahey inuu khamiis watey oo heybad kamuuqtey lkn wajigisa si dhab ah uma sheegi karo wuu ii duceyey kadibna indhihi aya ikala furmey waxaa kujirna meel guri camal ah wan taagna sali ama darin aya la ii fidiyey waxa ninki sualaha iweydinayey igu yiri diyaar maa utahey imtixaanka haa ayan ku yiri ano isku kalsoon quraanka oo dhan diyar ma utahey haa waxa guriga kudhex jira hoyadey oo idaawaneysa iyo islaan kale oo qaraabo nahey ayago waliba igu faraxsan kadib ano suaalihi in la iweydiyo an sugaayey baa hurdadii kaso kacey ayado duhur la aadamayo riyada manta ayey aheyd maxey tilmaami karta riyadaasi hala iifasiro insha allaah.

Riyada imtaxaanka Quraanka kariimka
Riyada imtaxaanka Quraanka kariimka

Jawaabta:

Riyadan waa riyo xaq ah waxayna tilmaamaysaa darajada aad heli doonto adduun iyo aakhiro, waa riyo bishaaro ah, sidoo kale riyada waxay tilmaamysaa inaad noqon doonto qof saalix ah inshaa Allaah oo haaydiisa ka farxin doono.

Riyada lagu arko nabi Muxamed (SCW) waa xaq, riyada waxay u eg tahay qofka aad aragtay inuu yahay nabi Muxamed (SCW) maxaayeelay magaciisa ayaad ugu yeertay waxaadna tiri qof haybad ka muuqato ayuu ahaa, inakastoo aadan arkin wejigiisa laakin waa riyo xaq ah, maadaama aad ugu yeertay magacaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More