Qofkii ku riyoodo asoo loo keenayo khamiiska nabiga (SCW)

Qofkii ku riyoodo asoo loo keenayo khamiiska nabiga (SCW)

Riyada:

Asc bahda daruuro gabar walashay waxay ku riyootay iyadoo loo keenay khamiis cad oo lagu dhahay hoo waa khamiiskii
Nabi muxamade scw.

Qofkii ku riyoodo asoo loo keenayo khamiiska nabiga (SCW)
Qofkii ku riyoodo asoo loo keenayo khamiiska nabiga (SCW)

Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa ikhlaas iyo daacadnimo iyo wanaag, qamiiska cad waa khayr iyo nadiifnimo, hadduu yahay khamiiskaas khamiiskii nabiga (SCW) waa wanaag aad u badan iyo khayr aan lasoo koobi karin iyo in lagu dhaqmo sunnada nabiga (SCW) diintana la raaco, riyada waa riyo bishaaro ah, walaashaada haku dadaasho khayrka iyo camalka wanaagsan iyo sunnada nabiga (SCW).

Nabiga (SCW) xadiis saxiix ah oo Bukhaari wariyay ayuu ku yiri:

(مَن رَآنِي في المَنامِ فقَدْ رَآنِي؛ فإنَّ الشَّيْطانَ لا يَتَمَثَّلُ في صُورَتِي، ومَن كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ).

(qofkii riyo igu arko wuu i arkay, shaydaan qaabkayga iskama dhigo, qofkii igu been abuurto asoo kas ay ka tahay fadhigiisa naarta haka diyaarsado).

 

 

Riyo nabi Muxammad (SCW) oo nin mushrik dhulka ku dhufanaya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More