Fadliga shahiidnimada nusuusta kusoo aroortay

Fadliga shahiidnimada nusuusta kusoo aroortay

Shahiidnimada waxaa laga wadaa qofkii xaq lagu dilo asoo diintiisa ama hantidiisa ama ehelkiisa difaacaya, nusuus fara badan ayaa kusoo aroortay fadliga shahaadada.

Fadliga shahiidnimada nusuusta xustay
Fadliga shahiidnimada nusuusta xustay

Allaha Caalamka wuxuu yiri:

{وَلا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللّهِ أَمْوَاتًا بَلْ أَحْيَاء عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ * فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا بِهِمْ مِنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ * يَسْتَبْشِرُونَ بِنِعْمَةٍ مِنَ اللَّهِ وَفَضْلٍ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُؤْمِنِينَ}

(Hana u malaynina kuwa lagu dilay jidka Alle kuwa dhintay, saas ma aha waxay ku noolyihiin rabbigooda agtiisa laguna arzaaqi * Iyagoo ku faraxsan wuxuu siiyay Alle oo fadligiisa ah, kuna bishaaraysan kuwaan wali haleelin ee gadaashooda ah inuusan korkooda cabsi iyo murugo midna «ahyn» * Waxayna ku Bishaaraystaan Nicmo Eebe iyo Fadli iyo inaan Eebe Dayacayn ajriga Mu’miniinta)

wuxuu leeyahay Alle:

{وَالَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَلَنْ يُضِلَّ أَعْمَالَهُمْ  * سَيَهْدِيهِمْ وَيُصْلِحُ بَالَهُمْ * وَيُدْخِلُهُمُ الْجَنَّةَ عَرَّفَهَا لَهُمْ}

(Kuwa Jidka Eebe lagu dilana camalkooda Eebe ma halleeyo * Eebana wuu toosin oo hanuunin kuwaas, wuuna wanaajinn xaalkooda * wuxuuna galin Janno (uu baray) u caddeeyay).

wuxuu leeyahay rasuulka- naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(لَيْسَ شَيءٌ أَحَبَّ إِلى اللَّه تعالى من قَطْرَتَين ، وأَثَرَيْنِ ؛ قَطْرَةُ دُمُوعٍ من خَشيَةِ اللَّه ، وَقَطرَةُ دَمٍ تُهرَاقُ في سَبِيلِ اللَّه تعالى ، وأما الأثران ؛ فأثر في سبيل الله تعـالى ، وَأَثَرٌ في فَرِيضَةٍ منْ فَرَائِضِ اللَّه تعالى)

(Ma jiro wax Alle loogu jecel badan yahay labo dhibcood iyo labo raad; dhibic illin cabsi Alle dartii u timaada, dhibic dhiig oo jidka Alle lagu daadiyo, labada raadna waa raad jid Alle ku sugan midka kalana ku sugan yahay waajib ka mid ah waajibyada Alle).

wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَا يَجِدُ الشَّهِيدُ مِنْ مَسِّ القَتْلِ إِلَّا كَمَا يَجِدُ أَحَدُكُمْ مِنْ مَسِّ القَرْصَةِ)

(Waxa uu ka dareemayo shahiidka taabashada dilka ma aha waxan ahayn midkiina waxa uu ka dareemayo taabashada qanjaruufashada).

wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(كُلُّ مَيِّتٍ يُخْتَمُ عَلَى عَمَلِهِ إِلاَّ الَّذِي مَاتَ مُرَابِطًا فِي سَبِيلِ اللهِ ، فَإِنَّهُ يُنْمَى لَهُ عَمَلُهُ إِلَى يَوْمِ القِيَامَةِ ، وَيَأْمَنُ مِنْ فِتْنَةِ القَبْرِ)

(Meyd kaste camalkiisa waa la khatimayaa kan dhintay asoo heegan dar Alle ugu jiro mooyee, waxaa loo kobcinayaa camalkiisa ilaa maalinta qiyaame, wuxuuna ka nabadgalayaa fidnada qabriga).

wuxuu leeyahay nabiga:

(وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ لاَ يُكْلَمُ أَحَدٌ فِي سَبِيلِ اللهِ – وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَنْ يُكْلَمُ فِي سَبِيلِهِ- إِلاَّ جَاءَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَاللَّوْنُ لَوْنُ الدَّمِ وَالرِّيحُ رِيحُ الْمِسْكِ)

(Waxaan ku dhaartay Allaha naftayda ay gacantiisa ku jirto qof laguma dhaawaco jidka Alle – Alle ayaa og qofka lagu dhaawacayo jidkiisa – hadday dhacdo wuxuu imaanayaa maalinta qiyaame midabka asoo ah midab dhiig urkana ur miski).

wuxuu gaarsiinayaa darajadeeda, wuxuu leeyahay nabigeena:

(مَنْ سَأَلَ اللَّهَ الشَّهَادَةَ بِصِدْقٍ بَلَّغَهُ اللَّهُ مَنَازِلَ الشُّهَدَاءِ ، وَإِنْ مَاتَ عَلَى فِرَاشِهِ)

(Qofkii Alle shahaado si dhab ah u weyddiista wuxuu gaarsiinayaa darajada shuhadada xataa hadduu ku dhinto gogoshiisa).

wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

{وَلِيَعْلَمَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا وَيَتَّخِذَ مِنْكُمْ شُهَدَاءَ}.

(iyo in Eebe Muujiyo kuwa rumeeyay kana yeesho Xaggiinna Marag)

Sidaa awgeed Alle (SW) wuxuu ku gaaryeelay shuhadada darajooyin sarsare iyo fadli weyn iyo karaamooyin fariid ah, ma jiro wax kaga daliil badan taas oraahda nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ لَوَدِدْتُ أَنِّي أُقْتَلُ فِي سَبِيلِ اللهِ ثُمَّ أُحْيَا، ثُمَّ أُقْتَلُ ثُمَّ أُحْيَا، ثُمَّ أُقْتَلُ ثُمَّ أُحْيَا، ثُمَّ أُقْتَلُ).

(Waxaan ku dhaartay Allaha naftayda ay gacantiisa ku jirto waxaan jeclaaan lahaa in Alle dartii lay dilo kadib lay soo nooleeyo, kadib lay dilo kadib lay soo nooleeyo, kadib lay dilo kadib lay soo nooleeyo)

{وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا}.

(Hana u malaynina kuwa lagu dilay Jidka Alle kuwa dhintay)

Sida ay ugu nool yihiin shuhadada Alle (caza wa jalla) agtiisa ayay ugu nool yihiin xusuusta dalka, lama illaawayo geesinimadooda xataa haddii waqti kasoo wareegto.
wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لَمَّا أُصِيبَ إِخْوَانُكُمْ بِأُحُدٍ، جَعَلَ اللَّهُ أَرْوَاحَهُمْ فِي جَوْفِ طَيْرٍ خُضْرٍ، تَرِدُ أَنْهَارَ الْجَنَّةِ، تَأْكُلُ مِنْ ثِمَارِهَا، وَتَأْوِي إِلَى قَنَادِيلَ مِنْ ذَهَبٍ مُعَلَّقَةٍ فِي ظِلِّ الْعَرْشِ).

(Markii walaalihiina Uxud lagu asiibay, wuxuu geeyay Alle ruuxdooda shinbir cagaaran dhexdeeda webiga jannada ayay arooraysaa miraheeda ayayna ka cunaysaa, kaddib waxay hooyanaysaa feynuusyo dahab ah oo carshiga harkiisa suran).

wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَالشُّهَدَاءُ عِنْدَ رَبِّهِمْ لَهُــمْ أَجْـرُهُمْ وَنُـورُهُــمْ}،

(Shuhadaduna Eebe agtiisa ajir iyo nuur bay ku leeyihiin),

wuxuu ku leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee): Umu xaaritha bintu Suraaqa (Alle raalli haka noqdee) markay weyddiisay meeshuu ku dambeeyay Xaaritha (Alle raalli haka noqdee), maalita Badar ayuu shahiiday:

(يَا أُمَّ حَارِثَةَ، إِنَّهَا جِنَانٌ فِي الْجَنَّةِ، وَإِنَّ ابْنَكِ أَصَابَ الْفِرْدَوْسَ الْأَعْلَى).

(Umu xaarithoy waa jannooyin jannada ku dhex yaalla wiilkaagana wuxuu helay fardowsada ugu sarraysa)

Waxaa ka mid ah: inay u shafeecaan ehelkooda maalinta qiyaamaha, waana abaal xagga Alle (cazza wa jalla) ka yimid oo ku salaysan barbaarintooda wanaagsan iyo diyaarintooda, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(يَشْفَعُ الشَّهِيدُ فِي سَبْعِينَ مِنْ أَهْلِ بَيْتِهِ).

(shahiidka wuxuu u shafeecaa toddobaatan ehelkiisa ka mid ah)

 

 

Noocyada shuhadada oo xadiiska kusoo arooray

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More